Nin Garaacay 7-Diisa Xaas Kadib Markii Ay Diideen Inuu Halmar U Wada Galmoodo

Nin xaasle ah ayaa ka xiray kaduib markii lagu eedeyay inuu garaacay labo ka mid ah 7-diisa xaas maxaa yeelay waxa ay diideen inuu halmar u wada galmoodo 7-daas gabadhood sidaas waxaa sheegay booliska wadanka Zimbabwe.

Hada 37 jirka lagu magacaabo Shepherd Kayawe oo kasoo jeeda deegaanka Chinamhora ayaa lagu amaray inuu bixiyo $40 dollar si dacawada loo hakiyo.

Hadii u lacagta bixin waayo Kayawe waxaa uu wajihi doonaa 20 maalmood oo xarig ah kadib markii ay eedeeyeen xaaskiisa shanaad Dorothy Vhudzi iyo midiisa lixaad ee Sinodia Moyo.

Booliska ayaa sheegay in Kayawe uu qabo 7 xaas laakiin labadaan gabadhood oo iyagu hal sariir la wadaga ninkan ayaa diiday iney 7 qof nolol halmar ku wada qataan.


Ninkaan waxaa la shegay inuu qirtay dambigiisa laakiin waxaa uu ku dooday inuusan jirdil dheeri ah ku sameynin kadib markii ay diideen inuu 7-da xaas hal habeen la jiifto.