War deg deg ah: Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland oo goor dhow geeriyooday

War deg deg ah: Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland oo goor dhow geeriyooday

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cadde Muuse Xirsi ayaa goor dhow ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka isu taga Imaaraatka Carabta.

Cadde Muuse ayaa mudooyinkanba xanuunsanaa, kuna jiray isbitaal ku yaalla magaalada Dubai, caawa ayuuna halkaas ku geeriyooday sida eheladiisa u xaqiijiyeen warbaahinta.

Xiligii uu cadde Muuse ahaa madaxweynaha Puntland waxaa uu howlo fara badan ka qabtay degaanada maamulkaas, isagoo markii dambe xilka ku wareejiyey C/raxmaan Faroole oo doorasho uga guuleystay. 



Wixii faahfaahin ah kala soco wararkeena soo socda Insha ALLAAH
thumbnail Title: War deg deg ah: Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland oo goor dhow geeriyooday
Posted by:galmada Net
Published :2017-02-09T01:14:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
War deg deg ah: Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland oo goor dhow geeriyooday



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at February 09, 2017 and have 0 comments