Xogtii Ugu danbeysay Weerarkii Kulbiyow iyo Guutada Fulisay oo horay u Xasuuqay Ciidamada Kenya

Kooxda AlShabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday fariisimadii ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow oo ku yaal gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan oo bilowday saqdii dhexe xalay ayaa gaaray ilaa saaka barqadii waxaana uu ahaa mid kamid ah weeraradii ugu xooganaa ee lala bartilmaameedsado ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya.

HADABA YAA FULIYAY WEERARKA?

Kooxda AlShabaab ayaa shaaca ka qaaday in kooxdii fulisay weerarkii Kulbiyoow ay ahaayeen kuwa si weyn loo diyaariyay.

War kasoo baxay AlShabaab ayaa lagu sheegay in  guutada Ashahiid Saalix Nabhaan ay ka danbeeyeen weerarkii deegaankaas Kulbiyoow.

Hadaba Maxaad Ka Taqaanaa Guutadaan?

Guutada Ashahiid Saalix Nabhaan, waxaa loogu magac daray sargaal shisheeye ah oo katirsanaa kooxda AlShabaab kaas oo lagu dilay weerar diyaarado dagaal ka geysteen Dhoobley sanado kahor.

Kooxdan ayaa lagu xasuustaa iney geysteen weeraro xoogan oo ka dhacay gudaha Soomaaliya, waxaana kamid ah weerarkii deegaanka Ceel-cadde halkaas oo Kenya looga dilay askar ka badan 150.

Sidoo kale waxaa ay marar badan weeraro ka geysteen gobolo ay kamid yihiin Sh/Hoose gaar ahaan Afgooye iyo Hiiraan gaar ahaan Buulo-Burde.

Wararkii ugu danbeeyay & Khasaaraha

Wararkii ugu danbeeyay ee deegaanka Kulbiyoow ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay halkaas haatan ku sugan yihiin kadib saacado kooban oo ay AlShabaab haysteen.

AlShabaab ayaa sheegey iney 65 askari Kenya kaga dileen dagalkaas, halka sargaal Kenya uhadlay uu beeniyay warka AlShabaab.

Laakiin Warar madax banaan oo la helayo ayaa sheegaya in KENYA askar badan looga laayay dagaalka kuwa kalana looga dhaawacay, waxaa kaloo lasoo sheegayaa in maxaabiis laga qabsaday.