Daawo Muuqaal "Qoyskii ay ka dhalatey Gabar Aroos ahayd oo dhawaantaan qabsatey warbaahinta Soomaalida oo hadlay!!

Daawo Muuqaal "Qoyskii ay ka dhalatey Gabar Aroos ahayd oo dhawaantaan qabsatey warbaahinta Soomaalida oo hadlay!!

Qoyskii ay ka dhalatey gabar Aroos ahayd oo dhawaantaan qabsatey warbaahinta Soomaalida ka dib markii lagu eedeeyey inay nin naag iska soo dhigay ay malxiis ahaan u soo ka xaysatey ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadleen dhacdadaas

Dhacdadii la ayaabka lahayd ee maalmahaan heysatada shacabka Soomaaliyeed ee ku saabsanayed gabar la guursaday oo Malxiisad ahaa guriga ugu soo qarsatey nin sidii dumarka u soo labistey ayaa arintaas waxaa ka hadlay qoyskii dhalay gabadhaas, Gabar la dhalatay gabadhaas la Aroosay ayaa waxay sheegtay inaysan waxba ka jrin arintaas ayadoona intaas raacisay in gabar ay ayadu dhashay ay ahayd Malxiisada gabadhaas walaasheed ah islamarkaana ay la yaabtey arinka ku saabsan inuu nin qof dumar ah isku soo ekeysiiyey uu walaasheed malxiis u ahaa.



Ugu dambeyntiina iyadoo dhacdadaan ay fajac iyo yaab ku noqotey dhamaan shacabka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale waxaa arintaas ka hadlay Aabaha dhalay gabadhaas oo sheegay inay sidoo kale ay la yaab ku noqotey arinkaan islamarkaana aysan waxba kala socon nin dharka naagaha soo xirtey oo malxiis u noqday gabadhiis, Arintaan oo wali ay dadka Soomaaliyeed ku wareersan yihiin ayaa waxay timid ka dib markii dhawaantaan nin lagu magacaabo Cabdiraxmaan Ismaaciil Cumar oo la aqal galay gabar lagu magacaabo Aamino Muuse Aw Diiriye uu sheegay in nin Malxiis ah oo isku soo ekeysiiyey naag uu mudo 20 cisho ah kula noolaa guriga.


thumbnail Title: Daawo Muuqaal "Qoyskii ay ka dhalatey Gabar Aroos ahayd oo dhawaantaan qabsatey warbaahinta Soomaalida oo hadlay!!
Posted by:galmada Net
Published :2017-03-06T10:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Daawo Muuqaal "Qoyskii ay ka dhalatey Gabar Aroos ahayd oo dhawaantaan qabsatey warbaahinta Soomaalida oo hadlay!!



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at March 06, 2017 and have 0 comments