Qeybtii labaad Soomaali qasab looga soo tarxiilay Maraykanka oo ku soo wajahan Muqdisho

Qeybtii labaad Soomaali qasab looga soo tarxiilay Maraykanka oo ku soo wajahan Muqdisho

Qeyb kale oo ka mid ah dhalinyaro Soomaali ah oo ku xirxiran xabsiyada dalka Mareykanka ayaa si qasab ah looga soo tarxiilayaa dalkaas, iyagoo maalmaha soo socda ku soo wajahan magaalada Muqdisho.

Soomaalidan oo tiradoodu gaareyso lixdan ayaa waxaa la isugu geeyay hadda garoonka Dayuuradaha ee Gobolka Oregan ee Dalka Mareykanka, halkaasoo la soo qaadayo Arbacada soo socota.

Qaar ka mid ah Soomaalida laga soo celinayo Mareykanka ayaa sheegay in Arbacada soo socota ay imana doonaan Magaalada Muqdisho.

Dhowaan ayey aheyd markii dalka Mareykanka si qasab ah looga soo masaafuriyey 93 Soomaali ah kuwaasoo laga soo dejiyey garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.


Dhalinyaradan Soomaalida ah ee sida qasabka ah looga soo celinayo Maraykanka ayaa isugu jira kuwo lagu eedeeyey iney si sharci daro ah ku galeen dalkaas iyo qaar kale oo dalkaas dembiyo ka galay.
thumbnail Title: Qeybtii labaad Soomaali qasab looga soo tarxiilay Maraykanka oo ku soo wajahan Muqdisho
Posted by:galmada Net
Published :2017-03-06T01:41:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Qeybtii labaad Soomaali qasab looga soo tarxiilay Maraykanka oo ku soo wajahan Muqdisho



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at March 06, 2017 and have 0 comments