Wax Walbo Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaatid Filimka Hichki Ee Rani Kusoo Laaban Doonto

Wax Walbo Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaatid Filimka Hichki Ee Rani Kusoo Laaban Doonto

 Boqorada asalka Bollywood-ka Rani Mukerji sanadii 2014 ayaa ugu dambeesay Bollywood-ka markaasna waxay sameesay filimkii guusha wacan gaaray Mardaani sidoo kalena oo ay abaal marinada kala duwan ku qaadatay.

Kadib Rani Mukerji waxay noqotay hooyo balse sedex sano kadib ayay soo laabatay xidigtaan waxayna dhawaan ka hawl gali doontaa filimkeeda cusub ee lagu magacaabo Hichki.

Filimka Hichki waxaa maal galin doonto shirkada Yash Raj Films oo uu madax u yahay Rani seygeeda Aditya Chopra sidoo kalena filimkaan waxaa Director ka ah Siddharth P Malhotra.

Filimka Hichki wuxuu ka hadli doonaa sheeko qiiro badan xambaarsan oo ku saabsan haweeneey dafiicnimo badan ka muuqato balse markii dambe qof karti badan isku badaleyso dadkana siweyn wax ula qeebsaneyso.

Rani waxay tiri “Waxaan baadi goob ugu jiray sheeko aan kusoo laabto sidaa darteed Hichki waa filim ku haboon soo laabashadeyda sidoo kalena dhamaan taageerayaasheeda ka heli doonaan fariintiisa”

“Qof walbo wuxuu leeyahay dafiicnimo u gaar ah hadii uu qofka cuuryaan yahay ama meel kale la’yahay waxaa wanaagsan inuu qofkaas karti isku yeelo dadkana wax la qeebsan karo”





Filimka Hichki waxaa Director ka ah Siddharth P Malhotra oo horey u sameeyay filimka We Are Family oo ay wada jileen Kajol, Kareena Kapoor iyo Arjun Rampal.

thumbnail Title: Wax Walbo Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaatid Filimka Hichki Ee Rani Kusoo Laaban Doonto
Posted by:galmada Net
Published :2017-03-01T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Wax Walbo Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaatid Filimka Hichki Ee Rani Kusoo Laaban Doonto



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at March 01, 2017 and have 0 comments