Daawo Sawirada: Haweenkii ka dambeeyay dilkii Kim Jong-nam oo wajihi kara xukun dil ah

Daawo Sawirada: Haweenkii ka dambeeyay dilkii Kim Jong-nam oo wajihi kara xukun dil ah

Maxkamad ayaa lagu wadaa in maalinta berito lasoo taago labo haween ah oo loo heesto in ay ka dambeeyeen dilkii garoonka Diyaaradaha Kuala Lampur loogu geestay nin la dhashay Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Malaysia Janaraal Maxamed Apandi Cal ayaa sheegay in labadan Haween oo kasoo kala jeeda dalalka Indonesia iyo Vietnam lagu soo oogi doono dacwad la xariirta in ay geesteen dil bareer ah.

Janaraal Maxamed Apandi Cali waxa uu sheegay labadan Haween oo lagu kala magacaabo Doan Thi Huong iyo Siti Aisyah ay wejihi karaan xukun dil ah hadii ay ku cadaato in ay si bareer ah u dileen Kim Jong-un.

Labadan Haween ayaa ku doodaya in aysan ulakac dil u geesan loona sheegay inay ka qeyb galayaan barnaamij madadaalo oo TV ka baxaya, waxa ayna tilmaameen in fulinta arintan lagu siiyay lacag aan badneen.

Dilka ninka la dhashay Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya ayaa labadan haween waxa ay u adeegsadeen sun halis ah ay wajiga ka mariyeen xili uu ku sugnaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Kuala Lampur.
thumbnail Title: Daawo Sawirada: Haweenkii ka dambeeyay dilkii Kim Jong-nam oo wajihi kara xukun dil ah
Posted by:galmada Net
Published :2017-05-03T06:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Daawo Sawirada: Haweenkii ka dambeeyay dilkii Kim Jong-nam oo wajihi kara xukun dil ah



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at May 03, 2017 and have 0 comments