Dowladda Jarmalka oo Soomaaliya ugu deeqday 70 Milyan oo Yuuro

Dowladda Jarmalka oo Soomaaliya ugu deeqday 70 Milyan oo Yuuro

R/wasaaraha dowladda JFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Muqdisho kula  kulmay Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Jarmalka Mr Sigmar Gabriel oo maanta soo gaaray dalka,

Labada dhinac ayaa kulankoodii uga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ,gaar ahaan iskaashiga labada dowladood  iyo wax ka qabashada dhinacyada amniga iyo xaaladaha abaaraha

Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Jarmalka Mr SignarGabriel ,ayaa sheegay in dowladda Jarmalka ugu deeqday Soomaaliya lacag dhan 70-milyan oo Yuuro

R/wasaaraha dowladda JFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka mahadceliyay lacagahaasi deeqda ah,isagoo ku booriyay in dowladda Jarmalka ay halkaasi ka sii wadaaan taageeridda dadka Soomaaliyeed


Booqashada R/wasaare ku-xegeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Jarmalka ayaa qeyb ka dadaalka beesha caalamka ugu jirto garab istaaga Dowaladda Federaalka Soomaaliya iyo wax ka qabashada xaaladaha Abaareed ee kajira Dalka .

thumbnail Title: Dowladda Jarmalka oo Soomaaliya ugu deeqday 70 Milyan oo Yuuro
Posted by:galmada Net
Published :2017-05-02T03:19:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dowladda Jarmalka oo Soomaaliya ugu deeqday 70 Milyan oo Yuuro



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at May 02, 2017 and have 0 comments