Antoine Griezmann oo si qarsoodi ah u guursaday gacalisadii ronaldo

Antoine Griezmann oo si qarsoodi ah u guursaday gacalisadii ronaldo

Kaddib markii toddobaadkan uu heshiis  5 sanadood ah u u kordhiyay kooxdiisa Atletico Madrid, taas oo uu kula sii joogi doono illaa sanadka  2022 ayaa Antoine Griezmann waxaa sidoo kale la sheegayaa inuu shalay si qarsoodi ah Erika Choperena kula aqal galay Palacio de Galiana ee waddanka Spain.

Sida ay ku warramayso saxaafadda gudaha spain iyo dibaddeedaba Griezmann iyo xaaskiisa Erika oo ay u joogto gabar yar oo 1 sano jir ah ayaa waxaa xafladdii faraanti geliska soo xaadiray qoysaska labada dhinac.

Dhinaca kale Wargeyska ‘Hola’ ee Spain ayaa isna xaqiijiyay in Griezmann uu ciyaartooy yar ku casuumay meherkiisa kuwaas oo ay ka mid ahaayeen ; Juanfran, Koke iyo Gameiro.









thumbnail Title: Antoine Griezmann oo si qarsoodi ah u guursaday gacalisadii ronaldo
Posted by:galmada Net
Published :2017-06-18T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Antoine Griezmann oo si qarsoodi ah u guursaday gacalisadii ronaldo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 18, 2017 and have 0 comments