Daawo: Dowladda Qadar oo wax aan macquul aheyn ku Tilmaantay Qodobadii Sucuudiga iyo Xulufadiisa

Daawo: Dowladda Qadar oo wax aan macquul aheyn ku Tilmaantay Qodobadii Sucuudiga iyo Xulufadiisa

 Dowladda Qatar ayaa iska diiday dalab ka yimid Xulafada uu hoggaamiyo Sacuudiga, kaasoo ahaa 13 qodob oo shuruud looga dhigay inay fuliso, hadii ay rabto in laga qaado xayiraada Diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale ee la saaray.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa arrin aan macquul aheyn ku tilmaamtay dalabkaas oo ay ku jirtay in Albaabada la isugu dhifto Telefishinka afka dheer ee Al Jazeera.

HALKAN KA DAAWO VIDEO



Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo labo todobaad ka hor ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen Qatar ayaa shuruud ku xirtay Qatar in 10 maalmood gudahood ku fuliso dalab ay u jeediyeen, hadii ay rabto in laga qaado xayiraada.

Shuruudaha lagu xiray waxaa ka mid ah, inay hoos u dhigaan xiriirka ay la leeyihiin Iiraan, in saldhigga Milateri ee Turkey ka siisay dalkeeda la xiro, in la joojiyo maalgelinta Ururada Argagixisada, in la xiro Telefishibka Al Jazeera iyo qodobo kale.

Telefishinka Al Jazeera ayaa ku eedeeyay Xulafada Sacuudiga inay isku dayayaan inay Aamusiyaan Xoriyadda Hadalka.

Qatar ayaa iska fogeysay inay dhaqaale siiso Argagixisada, waxaana ay beenisay dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay.


Daawo: Dowladda Qadar oo wax aan macquul aheyn ku Tilmaantay Qodobadii Sucuudiga iyo Xulufadiisa
thumbnail Title: Daawo: Dowladda Qadar oo wax aan macquul aheyn ku Tilmaantay Qodobadii Sucuudiga iyo Xulufadiisa
Posted by:galmada Net
Published :2017-06-27T18:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Daawo: Dowladda Qadar oo wax aan macquul aheyn ku Tilmaantay Qodobadii Sucuudiga iyo Xulufadiisa



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 27, 2017 and have 0 comments