Dalka Qadar oo Sheegay inaysan Xiriirka u Jari Doonin Dalalkii Cunaqabateynta ku soo Rogay (VIDEO)

Dalka Qadar oo Sheegay inaysan Xiriirka u Jari Doonin Dalalkii Cunaqabateynta ku soo Rogay (VIDEO)

Dowlada dalka Qadar ayaa waxaa soo wajahay xaalad adag oo dhinaca siyaasada iyo dhaqaalaha ah, kadib markii qaar kamid ah wadamada Carabta ay shaaciyeen in ay xariirka u jareen Dowlada Qadar oo lagu eedeeyay in ay taageerto kooxaha argagaxisada ah.



Qaar kamid ah Wadamada xariirka u jaray Qadar ay ku jiraan dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa maalmo u qabtay in dalalkooda uga baxaan muwaadiinta u dhashay dalka Qadar, waxaana dadkaasi lagu amra in dalkooda dib ugu laabtaan.

Dowlada Qadar ayaa go’aan ka duwan midka ay qaateen Dowladaha xariirka u jaray qaadatay, waxa ayna Shaaca ka qaaday in dalkooda aysan ka eryi doonin muwaadiininta kasoo jeeda dalalka xariirka u jaray muwadaiintoodana soo eryay.



Wakaalada Wararka dalka Qadar ayaa shaacisay in Muwaadiniinta u dhashay Sacuudiga iyo Wadamada kale ee xariirka u jaray dalkooda aan laga eryi doonin dalka Qadar, waxaana dalka Qadar jooga Muwaadiniin badan oo u dhashay wadamada xariirka u jaray dalkaasi.

thumbnail Title: Dalka Qadar oo Sheegay inaysan Xiriirka u Jari Doonin Dalalkii Cunaqabateynta ku soo Rogay (VIDEO)
Posted by:galmada Net
Published :2017-06-12T06:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dalka Qadar oo Sheegay inaysan Xiriirka u Jari Doonin Dalalkii Cunaqabateynta ku soo Rogay (VIDEO)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 12, 2017 and have 0 comments