Doorashadii guud ee Britain oo meel xasaasi ah maraysa iyo xisbiga Talada haya oo lumin doonaan aqlabiyada aqalka barlamaanka!!

Doorashadii guud ee Britain oo meel xasaasi ah maraysa iyo xisbiga Talada haya oo lumin doonaan aqlabiyada aqalka barlamaanka!!

Doorashadii guud ee ka dhacaysay dalka Britain ayaa maraysa meel xasaasi ah kadib markii tirinta codadka ka bilaabatay dhamaan goobihii lageeyay sanduuqyadii lagu dhiibanayay Cod bixinta.

Warar hordhac ah oo la sheegay in ay tahay Ra'yi uruurin laga sameeyay Dalkaasi ayaa sheegaya in xisbiga ay hogaamiso ra'iisul wasaare Theresa May ay lumin doonaan aqlabiyada aqalka barlamaanka ee Britain.

Sidoo kale Xisbiga mucaaradka ee ugu weyn dalkaasi ayaana lagu wadaa inuu helo sodon iyo afar xilibaan oo dheeri ah iyo ka badan inkastoo ay adagtahay in kuraas badan la sadaaliyo maadamaa ay adagtahay doorashadaan ka dhacaysa dalkaasi .

Doorahada ka dhacayso Dalka Britain ayaa waxaa isku diiwaan-galiyay 47 milyan oo qof oo cod-bixiyayaal ah kuwaasoo u dareeray sanaadiiqda codbixinta oo gaaraya 40’000 oo sanduuq si ay u doortaan cidda hogaamin doonta dalkaaas madaama ra’iiusl Wasaaraha Britain, Thersa May ee bil iyo 3 todobaad ka hor ku dhawaaqday doorashada oo xiligeedii laga soo hormariyay.



Dhana kale waxaa lagu loolamayaa 650 kuraasta baarlamanka, 553 ka mid ah kuraastaasi waxaa laga dooranayaa gobolka England. 59 kursi waxaa laga soo dooran doonaa gobolka Scotland. 40 mudanayaal Baarlamaan ah waxay ka iman doonaa gobolka Welse , halka 18 mudanayaal baarlamaana laga soo dooran doono woqooyiga Ireland , waxaana la doonayaa Xisbiga ku guulaysta 326 kuraasta baarlamanka ah in uu hogaamin doona dalkaasi

Ugu danbayntii codbixiyayal badan ayaa goor hore codkooda dhiibtay oo waxaana la sheegay in ay ku soo gudbiyeen boostada, waxaynta tiradaaan u dhigantaa boqolkiiba 16.4 guud ahaan dadkii codkooda dhiibtay doorashadii guud ee 2015 waxayna codbixintan noqonaysa tii saddexaad oo dalkaasi ka dhacda muddo ka badan labo sano gudahood.
thumbnail Title: Doorashadii guud ee Britain oo meel xasaasi ah maraysa iyo xisbiga Talada haya oo lumin doonaan aqlabiyada aqalka barlamaanka!!
Posted by:galmada Net
Published :2017-06-10T05:48:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Doorashadii guud ee Britain oo meel xasaasi ah maraysa iyo xisbiga Talada haya oo lumin doonaan aqlabiyada aqalka barlamaanka!!



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 10, 2017 and have 0 comments