Dowlada Qadar oo go’aan cusub ka qaadatay go’doominta ay ku sameeyeen dalalka Khaliijka

Dowlada Qadar oo go’aan cusub ka qaadatay go’doominta ay ku sameeyeen dalalka Khaliijka

Dawladda Qadar ayaa wacad ku martay in aysan siyaasaddeeda arrimaha dibadda uga tanaasuli doonin muranka diblamaasiyadeed ee kala dhexeeya dalalka Carbeed ee ku eedaynaya inay xiriir la leedahay argagixisada.

Wasiirka arrimaha dibadda Sheekh Maxamed bin Abduraxmaan al-Thani ayaa sheegay in uu jecelyahay in dublamaasiyad lagu dhameeyo xiisadda sii xoogaysanaysa xalna uusan ku jirin mid milatari, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Qadar ayaa diiday sheegashooyinka ah in ay hogaaminayso taageerada Islaamiyiinta xagjirka ah.

Sacuudi Arabia, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta iyo dalal kale ayaa xiriirkii diblomaasi u jaray dawladda Qadar iyagoo ku eedeeyay inay deganaansho la'aan ka wado gobolka.

Dawladda Sacuudiga ayaa ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar iyadoo arrintaasi ay saamaysay dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba.

Saraakiil Sacuudiyaan ah ayaa sheegaya inay uga gol leeyihiin in ammaanka qaranka ay ka ilaaliyaan halista argagixisada iyo xag jirka.

Masar ayaa sidoo kale sheegtay inay dhammaaan gaadiidka Qadar ka xiratay hawadeeda iyo dekadaheeda.



Dalka Isutagga imaaraadka Carabta ayaa diblamaasiyiinta Qadar u qabtay inay dalkooda kaga baxaan 48 saac gudahood iyagoo ku eedeeyay Qadar in ay maalgaliso argagixisada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dawladda ee WAM.
thumbnail Title: Dowlada Qadar oo go’aan cusub ka qaadatay go’doominta ay ku sameeyeen dalalka Khaliijka
Posted by:galmada Net
Published :2017-06-10T06:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dowlada Qadar oo go’aan cusub ka qaadatay go’doominta ay ku sameeyeen dalalka Khaliijka



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 10, 2017 and have 0 comments