Jack Wilshere oo xaqiijiyey inuu gabadhii riyada kula aqal galay dalka Talyaaniga

Jack Wilshere oo xaqiijiyey inuu gabadhii riyada kula aqal galay dalka Talyaaniga

Xiddiga kooxda Arsenal ee Jack Wilshere ayaa shaaca ka qaaday in gabadhii riyada uu dhowaan kula aqal galay dalka Talyaaniga.

Laacibka reer England ayaa gabadha la yiraahdo Andriani Michael oo ay muddo dheer wada socdeen la aqal galay sida uu ku xaqiijiyey bartiisa Twitter-ka.

Xafladda aroos ee labadan lammeen ayaa waxa ay ka dhacday Tuscany ee bartamaha waddanka Talyaaniga, waxaana ka soo qeyb galay qaar ka mid ah saaxiibada Wilshere ee dhanka kubadda cagta sida Benik Afobe, Wojciech Szczesny, Danny Welbeck iyo Dan Crowley.

“Waxaan Sabtidii la aqal galay gabadhii riyadeyda, wuu mahadsan yahay qof kasta oo yimid, isla markaana maalinka ka dhigay mid gaar ah.” ayuu Wilshere ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.


thumbnail Title: Jack Wilshere oo xaqiijiyey inuu gabadhii riyada kula aqal galay dalka Talyaaniga
Posted by:galmada Net
Published :2017-06-24T06:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Jack Wilshere oo xaqiijiyey inuu gabadhii riyada kula aqal galay dalka Talyaaniga



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 24, 2017 and have 0 comments