Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Magaalada Kampala ee Dalka Uganda (SAWIRRO)

Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Magaalada Kampala ee Dalka Uganda (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wefdi uu hogaaminayo, ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Wefdiga Madaxweynaha oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Kampala, waxaana lagu wadaa in booqashadoodaasi ay qaadato muddo laba maalmood ah.




Madaxweynaha Farmaasjo iyo wefdigiisa, ayaa waxaa lagu wadaa in Magalaada Kampala ay kaga qaybgalan shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga.


Mudada uu Madaxweynuhu ku sugan yahay magaalada Kampala waxaa la fillaya in ay isu arkaan dhigiisa dalkaasi Uganda Yoweri Museveni iyo madax kale oo ka socota caalamka.
thumbnail Title: Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Magaalada Kampala ee Dalka Uganda (SAWIRRO)
Posted by:galmada Net
Published :2017-06-24T02:46:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Magaalada Kampala ee Dalka Uganda (SAWIRRO)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 24, 2017 and have 0 comments