Maxaa iska bedelay amni daridii ay ku Caan baxday Magaalada Muqdisho ?

Maxaa iska bedelay amni daridii ay ku Caan baxday Magaalada Muqdisho ?

Waxaa si xooli ah magaalada Muqdisho uga socda Howlgalada Hub ka dhigista oo ay fulinayaan ciidamada xasilinta magaalada Muqdisho.

Howlgalada ayaa waxaa barbar socda baaritaano lagu hayo gaadiidka shacabka ee u kala gooshay dhammaan degmooyinka kuwaa oo laga dhex baadi­goobayo maleeshiyaadka Al­shabaab.

Howlgalada oo socda muddo laba Asbuuc ah ayaa xal u noqday amniga magaalada Muqdisho, waxaana meesha ka baxay dilalka iyo Qaraxyada caadada ka ahaa magaalada.

Ciidamada ku howlan amniga ayaa si wanaagsan ula dhaqma dadka shacabka ah, waxaana xusid mudan in ciidamada ay wada shaqeyn xad dhaaf ah kala dhexeyso dadka magaalada Muqdisho oo u muuqda kuwo garwaaqsaday muhiimada amniga.

Howlgalada ayaa sidoo kale hoos u dhigay xadgudubka ay ciidamada dowlada ku hayeen dadka shacabka ah, waxaana magaalada isaga baxay inta badan ciidamada Militeriga oo dhibaatada ugu badan ay kala kulmi jireen dadka shacabk ah.

Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegtay inay la xisaabtami doonto ciidamada ku howlan xasilinta magaalada Muqdisho ee xadgudubyada ay kala kulmaan dadka shacabka ah.

Go’aanka ay dowlada Federaalka ku xakameyneyso ciidamada howlgalada wada ayaa dhiiri galinaaya dadka shacabka, waxaana iminka muuqaneysa in laga gudbay amni darida ay magaalada ka dhex wadeen maleeshiyaadka Al­shabaab.



Dhinaca kale, waxaa degan xaalada magaalada Muqdisho, xili Bisha Ramadaan ay maleeshiyaadka fulin jireen weeraro xoogan.
thumbnail Title: Maxaa iska bedelay amni daridii ay ku Caan baxday Magaalada Muqdisho ?
Posted by:galmada Net
Published :2017-06-09T02:41:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Maxaa iska bedelay amni daridii ay ku Caan baxday Magaalada Muqdisho ?



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 09, 2017 and have 0 comments