Mukhtaar Roobow oo laga saaray Liiska Argagixisada Soomaliya ee Al-shabaab

Mukhtaar Roobow oo laga saaray Liiska Argagixisada Soomaliya ee Al-shabaab

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Mareykanka ay Liiska Argagixisada ka saartay Wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow oo loo yaqaan ”Abuu Mansuur”.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa sheegtay in dib looga fiirsanaayo Kiiska sababay in Abuu Mansuur lagu daro Liiska Argagixisada adduunka, kadib markii ay dhowr sano ka hor kala irdhooben Al­shabaab.

Wadaadkani lagu magacaabo Abuu Mansuur, ayaa horay usoo noqday Horjooge ku­xigeenka Hogaanka Sare Shabaab, waxa uuna mudooyinkaani danbe ahaa mid gooni u goosat ka ahaa Shabaab.

Abuu Mansuur, ayaa sidoo kale horay usoo noqday Afhayeenka maleeshiyaadka Shabaab, iyadoo wixii intaa ka danbeeyay uu shaaciyay inuu isaga baxay waxa loogu yeero Al­qaacidada Somalia ee Shabaab.

Sababta uu Abuu Mansuur, uga baxay maleeshiyaadka Shabaab ayaa lagu sheegay in muddo Seddex jeer uu ka baxsaday weeraro loo qorsheeyay in lagu dilo.

Sidoo kale, Abuu Mansuur ayaa go’aankiisa ka bixitaanka Shabaab soo degdegay wixii ka danbeeyay dilka Saaxiibadii gaarka ahaa ee Abuu Mansuur Alamriiki iyo Ibraahim Afgaani oo xiligaa garab u ahaa Wadaadka laga saaray Liiska Argagixisada.



Si kastaba ha ahaatee, talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan ay warbaahinta madaxbanaan hadal hayeen in Abuu Mansuur uu isku soo dhiibayo DFS isla markaana uu u socdo wadahadal.




thumbnail Title: Mukhtaar Roobow oo laga saaray Liiska Argagixisada Soomaliya ee Al-shabaab
Posted by:galmada Net
Published :2017-06-28T02:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Mukhtaar Roobow oo laga saaray Liiska Argagixisada Soomaliya ee Al-shabaab



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 28, 2017 and have 0 comments