Sawiro: Koonfur Galbeed oo gacanta kusoo dhigtay Raggii ka tirsanaa Shabaab ee geystay dilka Sheekh Caan ah

Sawiro: Koonfur Galbeed oo gacanta kusoo dhigtay Raggii ka tirsanaa Shabaab ee geystay dilka Sheekh Caan ah

 Booliska Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa maanta Magaaladaasi ku soo bandhigay saddex ruux oo habeen hore Masjid ku yaallo Magaalada Baydhabo ku dishay nin Sheekh ahaa, kadibna baxsadeen.

Arrintan ayaa ka danbeysay howlgal ay wadajir ah u sameeyeen Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida. Waxaa la filayaa in maxkamad la soo taago raggan.

Soo qabashada raggaan ayaa waxa ay  ku suuragashay, kadib markii Booliska ay qabteen nin ka mid ahaa kuwii dilka gaystay, kadibna ninka la qabtay uu farmuuqay labada kale, iyadoo Booliska ay gacanta ku soo dhigeen.

Nimankaan ayaa  Marxuum Sheekh Maxamed Deyr ku dhex dilay masaajid dhexdiisa, waxayna dhacadaan Baydhabo ka noqotay mid la yaab leh.



Taliyaha Booliska Gobolka Baay Col. Mahad C/raxmaan Aadan  ayaa sheegay in nimankaan lasoo taagi doono maxkamad isla markaasna ay mari doonaan ciqaab middii ugu adkeyd, wuxuuna tilmaamay inay Al-Shabaab caadadooda noqotay inay Masaajida dadka ku dilaan midaas oo uu ku tilmaamay inaysan jirin diin qoreyso.
thumbnail Title: Sawiro: Koonfur Galbeed oo gacanta kusoo dhigtay Raggii ka tirsanaa Shabaab ee geystay dilka Sheekh Caan ah
Posted by:galmada Net
Published :2017-06-17T21:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sawiro: Koonfur Galbeed oo gacanta kusoo dhigtay Raggii ka tirsanaa Shabaab ee geystay dilka Sheekh Caan ah



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 17, 2017 and have 0 comments