Sh. Shariif Sh. Axmed oo qoraal kasoo saaray go’aanka dowladda Somalia ee khaliifka Carabta

Sh. Shariif Sh. Axmed oo qoraal kasoo saaray go’aanka dowladda Somalia ee khaliifka Carabta

 2. Alaabta la sheegay in Dubai laga soo dhoofiyo, Imaaraatku sooma saaro ee way soo martaa uun, waxaana la heli karaa wadooyin badan oo badali karo hadii xirmato.
Kuna darsoo haddaad dad iska dhigto adigaa DUBAI noqon kara laakinse han iyo hiraal la imoow oo yaan reer hebel lagu habsaamay lagugu hodin.

3. Qatar sax iyo khaladba kulama colloobi karno Sucuudi iyo Imaaraat bay is maageen waayo annagu midkoodna ma nihin.
4. Wax ay Imaaraat iyo Sucuudi nagu taraan ayaa iska yar ee aan noqonno umad waxa ay rabto taqaan oo moowqif leh, tan kale inuu Imaaraatku gobollo la hadlayay annagoo xiriir la leh waxay muujinaysaa inuusan marna wax ixtiraam ah noo haynin.

5. Imaaraatku wuxuu Somalia soo galay markii uu arkay rajo laga qabo Somalia oo wax qabsata, wuxuuna ka hortegayaa inay taasi dhacdo isagoo dekedaha Somalia u ijaaranaya si aysan kuwiisa ula tartamin, waana sheeko uu horay ugu sameeyay Yemen.

6. Ninkii Qur’aan la akhrinayo siyaasadeeyay wax aan wadaagi karno ayaaba iska yar ee ha dhegeysanin tashwiishka ay furayaan maamullada loo sameeyay inaynaan abid noqon umad meel taagan oo daneheeda raacan karta.

7. Farajka Alle baa haya oo haddii ay insaan oo dhami u ururaan inay ku dhibaan waxba kaa qaadi maayaan haddaan Alle la jirin.



DHAMAAD
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Qatar oo idin leh
“Inkastoon sabool ahay
Haddana waan sarriigtaa
Sacabada ma hoorsado
Saaxiib nimaan nahay
Cadawgayga lama simo
SOOMAALI BAAN AHAY”
www.facebook.com/wargelinta
Waad mahadsantihiin Ciid wanaagsan.
thumbnail Title: Sh. Shariif Sh. Axmed oo qoraal kasoo saaray go’aanka dowladda Somalia ee khaliifka Carabta
Posted by:galmada Net
Published :2017-06-28T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sh. Shariif Sh. Axmed oo qoraal kasoo saaray go’aanka dowladda Somalia ee khaliifka Carabta



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 28, 2017 and have 0 comments