Taariikhda Magaalada Saylac Iyo Beeshii Asal Ahaan Degi Jirtay

Taariikhda Magaalada Saylac Iyo Beeshii Asal Ahaan Degi Jirtay

Wednesday, January 09, 2013
Saylac waa magaallo taarikh fog leh, oo ay adag tahay in la soo koobo 
taariikhdeeda, haddii aan wakhti badan la galin. Magacii hore ee loo yaqaanay magaalada wuxuu ahaa Avalites.
Saylac waa magaallo taarikh fog leh, oo ay adag tahay in la soo koobo
taariikhdeeda, haddii aan wakhti badan la galin. Magacii hore ee loo yaqaanay magaalada wuxuu ahaa Avalites. Magaaladu waxay soo martay marxaldo kala duwan iyo maamullo fara badan. Ha noqdaan qaar shisheeye iyo kuwo soomaaliba ah.
Waxaynu inta suurtagal ah soo bandhi doonaa taariikh kooban, oo iftiimisa
heerarkii ay soo martay magaaladu. waxaan raaci doonaa tixraac aan ka soo xigay taariikhda qoran.
Maamuladii Shisheeyaha
-      Bilowgii 1300-kii waxa magaalada ka samaysmay boqortooyo islaami ah, oo ahayd tii ugu horaysay geeska afrika ka dhalata. Waxaana magaceeda la odhan jiray Shawa. Waxa aasaasay koox carab ahaa, oo reer Baniimakhsuum ahayd. Waxay ka yimaadeen dhankaa iyo jasiirada carabta. Nimankan reer Baniimakhsuum waxay ka dhiseen magaalada maamul ay gacanta ku hayaan, oo muddo badan ka talinayey magaalada. Lama hayo wax tafiir ah oo ka hadhay nimankaa. Waxase la sheegay dad tiro yar oo la yidhaa Orgobaha.
-      Sannadihii 1312-kii iyo 1342-kii waxa soo weeraray magaalada boqor itoobiyaan ahaa, islamarkaana qabsaday guud ahaan magaalada
-      Sannadihii 1330-kii ilaa 1331 waxa soo booqday magaalada qoraagii caanka ahaa ee la odhan jiray Ibnu Battuutaha. Wuxuu ku sheegay magaalada  saylac waa magaallo camiran oo ganacsi xoogani ka socdo, dadka magaalada deganaa waxay ahaayeen qaar midabkoodu madow yahay, oo Ber-Ber ahaa. Waxa magaalada lagu cuni jiray kalluunka iyo hilibka geela. Waxa jiray Bakhaaro lagu keydiyo kalluunka, kuwaasi waxay magaalada ku keeneen ur qadhmuun. Wadooyinka magaalada gudaheeda waxa lagu qali jiray geela.
-      Horaantii sannadkii 1416-kii waxa burburtay dawladii IFAT oo uu hogaamiye u ahaa suldaan Maxamed Sacadadiin, oo carab ahaa. Waxaana isugu tegay boqor itoobiya xukumayey wakhtigaasi oo la odhan jiray Negus Yeshay iyo ciidamo boortuqiis ahaa. Waxay qabsadeen saylac oo xarun u ahayd dawladii IFAT, waxay burburiyeen magaaladii saylac, waxaana lagu diley dagaalkaasi suldaan Maxamed Sacaadadiin, waxaana lagu aasasay jasiirada sacaadadiin oo ilaa maanta magaciisa xamaarsan, oo loogu magac daray.
-      Dabayaaqadii sannadkii 1420-kii waxa samaysantay dawlad islaami ah oo la odhan jiray ADAL. Waxay ka dambaysay dawladii IFAT ee dagaalka lagu jabiyey. Mar kale ayey saylac xarun u noqotay dawladan ADAL. Adal waxa maamulayey hogaamiyeyaal carbeed. Waxay u badnaayeen reer yeman, balse ciidamada ayaa soomaali u badnaa.
-      Ganacsiga saylac waxa haystay Carab, Beershiyaan iyo Hindi. Waxa kale oo jiray soomaali la carabeeyey, oo ku dhexmilmay carabta.
-      Horaantii sannadkii 1507-dii ayuu hogaankii dawladii ADAL la wareegay Ahmed Ibraahin AL-Gazi (Ahmed-Guray) oo dhisay maamul xoogan, oo markii hore xarun ka dhigtay magaalada saylac. Halkaasina in muddo ah degnaa. Magaalada oo uu dabsudhay bootuqiisku ayuu Ahmed-Guray dhisay. Markii dambe wuxuu u guuray magaalada Harar. Ahmed Ibraahin Al-gazi waa carab, balse aan la hayn ciduu ka ahaa. Dadka qaarkii ayaa ku sheega soomaali, laakiin arrintaasi wax daliil ah uma hayaan.
-      Sannadkii 1543-kii ayaa Ahmed-guray lagu diley dagaal ay soo qaadeen ciidamo boortuqiis ahaa, oo taageerayey boqor itoobiyaan ahaa.
-      Sannadkii 1630-kii waxa maamulkii magaalada saylac la wareegay xukunkii MOKHA, oo reer yeman ahaa. Waxay dadka ka qaadi jireen cashuur. Reer MOKHA waxay dhiseen deked macmal ah, oo laga dhoofin jiray xawayaanka, hargaha, shimbiraha iyo dad adoon ahaan loo soo qabto. Taasina waxay keentay inay magaaladu camirtanto, oo ganacsi xoogani ka socdo. Waxaanu xukunka reer MOKHA soo taxnaa ilaa laga soo gaadho sannadkii 1780-kii.
-      Sannadkii 1821-kii waxa dalka yeman qabsaday dawlada Masar oo bortooyadii Cusmaaniyiinta ka wakiil ka ahayd. Waxa kale oo Masar qabsaday saylac ilaa xeebaha jabuuti.
-      Sannadkii 1841-kii waxa xukunkii saylac qabsaday Xaaji Cali Sharmarki oo soomaali ahaa, kana ahaa isaaq/Habaryoonis. Waana ninkii ugu horeeyey ee soomaali ahaa oo maamula saylac. Wuxuu wakiil u noqday boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Markii in muddo ah maamulayey, waxa xukunkii kala wareegay nin u dhashay beesha Canfarta oo la odhan jiray Abu-Bakar Pasha.
-      Sannadkii 1842-kii waxa magaalada saylac soo booqday nin la odhan jiray
-      JOHNSTON. Wuxuu sheegay inay magaalada ku xeersan yahay dayr weyn oo difaac u ahaa. Taaso muujinaysa inay magaaladu ku jirtay colaad joogto ah.
-      Sannadkii 1854-kii waxa sidoo kale soo booqday qoraagii caanka ahaa ee Richard F. Burton wuxuu sheegay in magaalada ciidan hubaysani ilaaliyo, islamarkaana dadka laga dhoofiyo.
-      Sannadihii 1874 ilaa 1877-kii waxa marba marka ka dambaysa hoos u sii dhacayey xukunkii Masar ee yeman iyo saylac ka talinayey. Taaso aakhrikiina keentay inay ciidamadii Masar ee Cusmaaniyiinta ka wakiilka ahaa ka baxeen yeman, saylac iyo xeebaha jabuuti. Waana sannadkii 1884-kii.
-      Sannadkii 1885-kii waxay saylac gashay tartan ay ku tartamayeen Faransiiska oo qabsaday xeebta Tajore ee dhulka canfarta iyo ingiriiska oo degay xeebaha somaliland iyo yeman. Waxay ku sigteen inay ku dagaalamaan magaalada saylac.
  
Balse markii dambe waxay isla garteen in lagu heshiiyo, oo ingiriiska loo daayo.
Dadkii degnaa magaalada saylac waxa la odhan jiray SAYLICIYIIN iyo AWDALIYIIN.
Dabayaaqadii 1885-kii waxa saylac lagu saxeexay heshiiskii ingiriiska iyo 11 oday oo beesha ciise ah.
Heshiiskaa wixii ka dambeeyey waxay magaalada gacanta ugu jirtay maaamulkii ingiriiska ee ( British Somaliland protectorate) ilaa laga soo gaadhayo markii ay xornimada qaadeen gobolladii waqooyi ee British Somaliland sannadkii 26/6/1960-kii.
Balse maamulka hoose ee magaalada waxa xukumayey beesha Ciise.
Xornimadii ka dib Markii xornimada la qaatay waxa duq ka noqday magaalada beesha ciise ilaa laga soo gaadho burburkii kacaankii maxamed siyaad barre. Waxay kala ahaayeen:
  • Cilmi Nuur Faarax...............1960......1969
  • Khaalid Cabdi Diiriye...........1969......1984
  • Daahir Xirse Cali.................1984.........1989
Ilaa laga soo gaadho dawladii Daahir Rayaale Kaahin waxa magaalada duq ka ahaa Beesha Ciise. Marka laga reebo duqan imika la isku haysto, oo Beesha samaroon ah.
Xaafadaha Ay Ka Jooban Tahay 
1. Qoor Doodi
2. Xalane
3. Sacadadiin
4. Awdal
5. Ahmed-Guray
6. Waaberi
Tuulooyinka Hoos Yimaada 
1. Ceel Gaal
2. Habaas
3. Jidhi
4. C/Qaadir
5. Heemaal
6. Xuseen
7. Ahmed Shabeel
8. Riigga
9. Toqoshi
10. Oda Waari
11. Caasha Caddo
12. Cali Weeci
13. Haamboos
14. Camuud Culus
15. Xamaamka
16. Bariisle
17. Lawyacaddo
18. Fiqi Aadan
19. Xirsi Bow
20. Laanta Morohda
Beeshii Asal Ahaan Degi Jirtay
Marka taariikhda la eego waxa magaalada saylac degi jiray beesha Ciise oo
bilowgii hore asal ahaan degi jirtay. Waxa aad loogu xusaa taariikhda ugaasyada beesha Ciise oo muddooyin badan taariikh ku lahaa. Waxa ku jira xeerka beesha ciise in ugaaskeedu ka minyaraysto magaalada Saylac, taasoo muddo qarniyaal ah soo taxnayd.
Beelaha Imika Wada Dega
Wakhtigan xaadirka ah waxa magaalada wada dega beelaha kala ah: Samaroon, Ciise iyo Isaaqa/Jibriil abokor oo tiro yar ah.
Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com
Xigasho

-      Kitaab Al-Buldaan...........................................AL- Yaquubi 

-      Taariikhda xeebaha Soomaalida......................Prof. Yuusuf Baane 

-      The Arab and Somalis................. ...................Xuseen A. Khayre

-      Periplus of the Erythraean sea.........................Qoraaga lama yaqaan. 

-      Ibnu-Battuutah....................... .......................Keydka Buugta 

-      Yeman and Zeila Past History..............,,..........Abu- Said Azaam
thumbnail Title: Taariikhda Magaalada Saylac Iyo Beeshii Asal Ahaan Degi Jirtay
Posted by:galmada Net
Published :2017-06-30T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Taariikhda Magaalada Saylac Iyo Beeshii Asal Ahaan Degi Jirtay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at June 30, 2017 and have 0 comments