Boqoradii Hore Ee Bollywoodka Kajol Devgan Oo Markaan Dooneysa Inee Noqoto Shaqsi Aflaamta Maalgalisa!!

Boqoradii Hore Ee Bollywoodka Kajol Devgan Oo Markaan Dooneysa Inee Noqoto Shaqsi Aflaamta Maalgalisa!!

 Xidigaha Bollywoodka ee qaab jiliinka heerka sare ka gaareyn sido kalena lacag badan ka tabcadeyn Bollywoodka ayaa markaan doonayan inee ayaga aflaamta maal galiyaan oo ay qarashkooda ku bixiyaan halka markii hore ay ahaayen kuwa ayaga mushaar uun ku qaata filimka ay sameynayaan.

Hadaba dhanka atariishoyinka waxaan horey uheeysanaya xidigaha ay ka midka yihiin Priyanka Chopra iyo Anushaka Sharma hadase liiska waxaa soogashay Kajol Devgan oo markaana Producer noqon doonto.

Wareysi lala yeeshtay xidigtaan ayaa lagu weydiyay sababta aysan filim Bollywood ah asyan usaxiixan tan markii ay sameysay Filimkii Dilwale ee la daawaday 2015 wixi kadambeyay Kajol oo arinkaa ka jawaabeysa waxay tiri,

“ Haa wasax waan ogahay inaan wali Filim Bollywood ah aanan saxiixanin, balse aniga ma doonayo inaan filim walbo iska sameyo aniga ee waxaan kaliya sameynayaa filimkii iqanciya oo aan kahelo.”

“Marba hadaan Filim Sameynaayo oo aan Qoyskeyga ka mashquulayo Filimkaas waa inuu ahaado filim aad u fiican oo iqanciya sido kale waan rabaa inaa sameyo aflaam Bollywood ah hadii aan arko fariin iqancisa.”

“ waxaanba sameyn doona aan maal galin doona aflaam Bollywood ah waayo waxaa Bisha September sitoos ah u shaqo bilaaweyso shirkadeyda aflaamta maal galin doonta, aadbaan ugu faraxsanahay midaasna sido kale waan soo gabagabeyay sameynta filimkeygii udambeyay ee VIP 2 kaaso aan sugaayo kaliya inta tiyaatarada laga saari doono.”

Dhanka shaqada Kajol filimkeedi u dambeyay waa Velaiila Pattadhari 2 (VIP 2) kaaso ay la hogaaminayaa xidigaha kala ah Dhanush, Amala Paul, VIvek Saranya Ponvanam waxaana Director ka ah Soundarya Rajnikanth qorshahana waa in la daawado Bisha Aug ee sanadkaan.



thumbnail Title: Boqoradii Hore Ee Bollywoodka Kajol Devgan Oo Markaan Dooneysa Inee Noqoto Shaqsi Aflaamta Maalgalisa!!
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-27T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Boqoradii Hore Ee Bollywoodka Kajol Devgan Oo Markaan Dooneysa Inee Noqoto Shaqsi Aflaamta Maalgalisa!!



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 27, 2017 and have 0 comments