DAAWO Qisadii Wadaadkii Cibaadada U Go’ay Ee Habaarkii Hooyadii Ku Dhacay

DAAWO Qisadii Wadaadkii Cibaadada U Go’ay Ee Habaarkii Hooyadii Ku Dhacay

Qisadaan oo uu ka sheekeeyay Nabigeenna Muxamed CWS ayaa waxaa ay ku saabsan tahay wadaad cibaadada Illaahey u go’ay, dadkiina ugu dhexbaxay inuu cibaadeysto.

Hooyadda dhashay Jureyji ayaa seddax jeer u timid isagoo salaad sunno ah ku guda jiray seddaxda jeer, wuxuuna sii watay Salaadiisii sidaasina hooyadii dhashay ee u timid ku tiri iyadoo u yeertay, Jureyji ayaa markaas salaadiii iska sii watay, markii ugu danbeysay ayey hooyadii bilowday inay habaarto.

Waxay tiri hooyadii “Illaahayoow wiilkeeyga yuunan dhimanin, ilaa gabdhaha xun xun ee jirkooda ka ganacsada wajigooda iyo wajigiisa is qabsadaan mooyee yaanun dhimanin” hooyadaan oo wiilkeeda ku inkaarin inuu fidnoobo.

Waxaa dhacday in ninkaan u go’ay cibaadada Illaahey ee hooyadiis salaad sunna ah uu tukanayay ugu soo bixi waayay seddax jeer ay u timid in markii danbe ay kasoo baxday inkaartii hoyyadiis waxaana u tagtay gabar kuwa jirkooda ka ganacsada oo cibaadadiisa ka fidneysay sumcadiisana dishay, isagoo ka sineystay uurna qaatay gabadhii.

RIIX HALKAN KA DAAWO



Qisadaan aadka u xiisaha badan oo soo bandhigay Sheekh Saciid Cali ayaa waxay muujineysaa in hooyadu xaqeeda uu ka horeeyo cibaadada sida salaada sunnaha ah in uu kaga bixi karo marka waalidkiis u yaaraan.
thumbnail Title: DAAWO Qisadii Wadaadkii Cibaadada U Go’ay Ee Habaarkii Hooyadii Ku Dhacay
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-08T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
DAAWO Qisadii Wadaadkii Cibaadada U Go’ay Ee Habaarkii Hooyadii Ku Dhacay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 08, 2017 and have 0 comments