DF oo shaacisay halka uu marayo qorshaha dib loogu howl-galinayo Somali Airlines

DF oo shaacisay halka uu marayo qorshaha dib loogu howl-galinayo Somali Airlines

 Maxamed Cabdullahi Salaad ”Oomaar”, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Somalia, ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradiisa ay ku howlantahay howlgalinta diyaarada Somali Airlines.

Wasiirku waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in dib loo howlgalsho diyaarada, isla markaana adduunka la tuso in Somalia ay gaartay isku filnaan buuxda.

Waxa uu sheegay in arrinta dib usoo celinta Somali Airlines ay kala hadleen Ganacsato kala duwan si dib loogu soo celsho Somali Airlines.

Isagoo ka hadlaayay ayuu yiri “Dib u howlgalinta Diyaarada Somali Airlines waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu waa weyn ee aan ahmiyada saareyno”

Shirkada Somali Airlines waxaa la aasaasay bishii March 5 -teeddii sanadkii 1964, shirkadda ayaa waxaa ay waqtiga ka mid ahayd kuwii duulimadyada ee waqtiga ugu wanagsanaa.

Laakin waxaa ay hawada ka baxdey markii dowladdii dhexe ee dalka ay bur burtay, iyadoo aan dib ugu soo laaban hawada.



Geesta kale, dowladdii uu hoggaanka u hayay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegtay in ay dadaallo kala duwan ay ku bixisay soo celinta Somali Airlines laakiin ugu dambeyntii ay suurtagali waysay.


thumbnail Title: DF oo shaacisay halka uu marayo qorshaha dib loogu howl-galinayo Somali Airlines
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-22T23:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
DF oo shaacisay halka uu marayo qorshaha dib loogu howl-galinayo Somali Airlines



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 22, 2017 and have 0 comments