Dowladda Qadar oo Muqdisho ka dhisaneysa safaarada labaad ee ugu weyn dunida

Dowladda Qadar oo Muqdisho ka dhisaneysa safaarada labaad ee ugu weyn dunida

 Sida laga soo xigtay mas’uul ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia, waxaa socda qorsho ay dowlada Qadar magaalada Muqdisho uga furaneyso Safaarad cusub.

Qorshahaani ayaa waxaa dowlada Qadar ka garabsiinaya Wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia, waxa uuna qorshuhu yahay in laga raro dhismo KMG ah oo iminka ay ka degan tahay eeryada Isgooyska LM4, gaar ahaan dhismihii hore oo ay degneyd Safaarada Turkida.

Dowlada Qadar ayaa dooneysa in dhismaha Safaarada cusub ay ka dhigato Safaarada labaad ee ugu weyn Somalia oo ay ku leedahay dowlad Shisheeye iyadoo lamid dhigeysa Safaarada Turkiga ee Muqdisho.

Dhismaha Safaarada Qadar ee Muqdisho ayaa jawaab u ah go’aankii dowladda Soomaaliya ay dhex dhexaadnimada uga qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.

Sidoo kale, dowlada Qatar ayaa dooneysa inay muujiso doorkeeda arrimaha Soomaaliya, isla markaana dhisme safaaradeed oo rasmi ah ku yeelato Caasimada Soomaaliya.




Dowlada Somalia ayaa si dadban u garabtaagan dowlada Qadar oo cadaadis Siyaasadeed kala kulmeysa dalal carbeed.

thumbnail Title: Dowladda Qadar oo Muqdisho ka dhisaneysa safaarada labaad ee ugu weyn dunida
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-21T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dowladda Qadar oo Muqdisho ka dhisaneysa safaarada labaad ee ugu weyn dunida



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 21, 2017 and have 0 comments