Erdogan oo cirka kusii shareeray xiisada Khaliijka iyo kiisas lagu helay Sacuudiga iyo Imaaraadka

Erdogan oo cirka kusii shareeray xiisada Khaliijka iyo kiisas lagu helay Sacuudiga iyo Imaaraadka

Sida uu baahiyay Sargaal ka tirsan Madaxtooyada Turkiga oo lagu magacaabo Kheybar Dayib, waxaa socda baaritaano hor leh oo lagu xaqiijinaayo xiriirka ay dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka la leeyihiin argagixisada Somalia ee Shabaab.

Sargaalkani ayaa sheegay in dowlada Turkiga ay garab istaagan tahay dowlada Qadar oo iminka wada baaritaano kaabi kara macluumaad hordhac ah oo ku aadan xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka kala dhexeeya Shabaab.

Waxa uu farta ku goday in guddi laga soo kala xulay Khubarada Sirdoonka Qadar iyo Turkiga ay heleen macluumaad lagu kalsoonaan karo oo muujinaaya in labada dal ay dhaqaale ku bixiyaan Shabaab.

Sargaalkani oo lagu magacaabo Kheybar Dayib ayaa sheegay in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay dhaqaale ku bixin jireen dagaalka ay Shabaab kula jirto dowlada Somalia iyo Ciidamada howlgalada AMISOM.

Waxa uu intaa raaciyay Kheybar Dayib in Madaxweynaha Turkiga uu gaaray go’aan lagu meel marinaayo qorsho dhameystiran oo ay wada gaaren Amiirka Qadar.

Erdogan ayuu tilmaamay in awoodiisa ugu badan uu isugu geeyay xoriyad siinta dowlada iyo shacabka Qadar, iyadoo uu ka duulayo caqabadaha lasoo gudboonaaday Qadar.

Sidoo kale, Kheybar Dayib waxa uu carab dhabay in Guddiga laga soo kala xulay labada dal ay si wada jira usoo bandhigi doonaan macluumaadka ku aadan xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka kala dhexeeya Shabaab.


Talaabadani ayaa sii xoojineysa hanjabaad uu dhawaan Imaaraadka u diray Madaxweynaha Turkiga Rajap Dayib Erdogan.
thumbnail Title: Erdogan oo cirka kusii shareeray xiisada Khaliijka iyo kiisas lagu helay Sacuudiga iyo Imaaraadka
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-06T20:17:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Erdogan oo cirka kusii shareeray xiisada Khaliijka iyo kiisas lagu helay Sacuudiga iyo Imaaraadka



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 06, 2017 and have 0 comments