Go’aankii Taabit Ee Beerta Nabadda Oo Dhaqan Galay, Dadkuna Lacag La’aan lagu galaayo

Go’aankii Taabit Ee Beerta Nabadda Oo Dhaqan Galay, Dadkuna Lacag La’aan lagu galaayo

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in maanta laga bilaabo dadka shacabka ah ay si lacag la’aan ah ku geli karaan Beerta Nabadda oo horay dadka shacabka ah lacago loogu qaadi jiray gelitaanka xaruntaasi loo dalxiis iyo nasasho tago.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa xaqiijiyay xaqiiqda warkaan, wuxuuna sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay tixgeliyeen rabitaanka shacabka.

Afhayeenka ayaa sheegay in Beerta Nabadda ay leedaha Dowladda Hoose, balse ay maalgashadeen Ganacsato Soomaaliyeed, maamulka Gobolkana tixgelin gaar ah u hayaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in beerta Nabadda aysan aheyn goob ganacsi balse ay tahay beer nabadeed, sidaasi darteedna shacabka gelaya beertaasi laga samsyn lacago.




Waxaa guuldareystay kulamo ganacsatada maalgashiga ku sameysay Beerta Nabadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo isku khilaafsanaa lacagta lagta laga qaado dadka gelayo Beerta Nabadda.
thumbnail Title: Go’aankii Taabit Ee Beerta Nabadda Oo Dhaqan Galay, Dadkuna Lacag La’aan lagu galaayo
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-09T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Go’aankii Taabit Ee Beerta Nabadda Oo Dhaqan Galay, Dadkuna Lacag La’aan lagu galaayo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 09, 2017 and have 0 comments