Jen. Indha Cadde Oo Beeshiisa H/Gidir Ugu Baaqay Inay Ka Baxaan Xarumaha Dowladda

Jen. Indha Cadde Oo Beeshiisa H/Gidir Ugu Baaqay Inay Ka Baxaan Xarumaha Dowladda

Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha-cadde” ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xilka ay dowladda u magacowday ee madaxda looga dhigay guddi ka shaqeynaaya sidii dadka degan looga saari lahaa xarumaha dowladda, gaar ahaan dhismooyinka ciidamada.

Yusuf Indha Cadde ayaa si gaar ah ula hadlay beeshiisa Habar Gidir isagoo ugu baaqay inay ka banaan xarumaha ciidan ee ay degan yihiin oo aysan is laheysiin.

Jen. Indha Cadde ayaa hadalkiisa intaa raaciyay in dadka degan xerooyinka ciidamada iyo xarumaha kale ay is laheysiiyeen maadaama sanooyin badan deganaayeen, wuxuuna ku maah maahay “baadi  kugu raagtay inaad leedahay ayaa moodaa”

Qoraal kusoo baxay Warfaafiye ayaa kafishay in Madaxweyne Farmaajo uu si farsameysan ugu magacaabay guddoomiyaha guddi 9 xubnood ka kooban, kaasoo ujeedadiisa tahay ama dowladda ay caqli iyo maskax u adeegsaday in dadka Muqdisho ee degan , gaar ahaan beesha Habar Gidir ama haysta dhismooyinka danta guud ee ciidamada Soomaaliyeed uu ka shaqeeyo sidii ay ugu bixi lahaayeen.



Qorshahaan ayaa waxaa riixaya Madaxweyne Farmaajo, waxaana ka dhashay dibadbaxyo rabshado wata oo ay dhigayeen dadka shacabka degan, iyagoo dalbaday in dowladda jaanis siiso si ay u raadsadaan gobo ay degas.
thumbnail Title: Jen. Indha Cadde Oo Beeshiisa H/Gidir Ugu Baaqay Inay Ka Baxaan Xarumaha Dowladda
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-08T22:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Jen. Indha Cadde Oo Beeshiisa H/Gidir Ugu Baaqay Inay Ka Baxaan Xarumaha Dowladda



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 08, 2017 and have 0 comments