Kheyre Oo La Wareegay Shir Guddoonka Shirka Golaha Amniga Qaran: SAWIRRO

Kheyre Oo La Wareegay Shir Guddoonka Shirka Golaha Amniga Qaran: SAWIRRO

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoonka shirka golaha amniga qaran ee ka socda Muqdisho kala wareegay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shirka oo shalay dib u furmay ayaa waxaa horay u shir guddoominayay madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee ka cudur daartay shalay, iyadoo lagu soo waramayo in qodobadii la isku haayay qaar la isla gartay qaarna kale ee dhimana maanta la isla gaaro heshiis.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in madaxweyne Farmaajo tan iyo xalay inuu kulamo gaar gaar ah la lahaa madaxda maamul goboleedyada oo iyaga raba in awood ku yeeshaan masiirka dalka iyo dhismaha ciidamada 18 kun.Qodobka la isku haaya ayaa ah cida maamuleysa dhismaha ciidamada isku dhafka ah ee 18 kun iyo qaabka lagu soo xulaayo.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa doonaya in shirkaan lagu gaaro go’aan ah in ay awooda dalka iyo talooyinka wax ka maatalaan sida madashii hoggaanka qaran, oo awoodii baarlamaanka horay ula wareegay.Waxaa la filayaa in war murtiyeed laga soo saaro maanta inkastoo ay suuragal tahay inay wax walba isbadalaan, hase ahaatee ay scoot diyaarinta war-murtiyeedkii shirka laga soo saari lahaa.




Beesha caalamka ayaa ka war sugeysa heshiiska kasoo baxa shirkaan, iyadoo beesha caalamka balan qaatay bixinta qarashaadka ku baxaaya dhismaha 18 kun ee ciidamada.
thumbnail Title: Kheyre Oo La Wareegay Shir Guddoonka Shirka Golaha Amniga Qaran: SAWIRRO
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-10T17:49:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Kheyre Oo La Wareegay Shir Guddoonka Shirka Golaha Amniga Qaran: SAWIRRO



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 10, 2017 and have 0 comments