Ma-Gafe Caan Ah Oo Lagu Qabtay Koonfurta Suudaan Oo Laga Soo Dejiyay Muqdisho

Ma-Gafe Caan Ah Oo Lagu Qabtay Koonfurta Suudaan Oo Laga Soo Dejiyay Muqdisho

Nin Soomaali ah oo dadka ku caanka ah tahriibinta ayaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, quasi oo ciidamada booliska Koonfurta Suudaan ay ku qabteen magaalada Jubba.

Ninkaan oo lagu magacaabo C/qaadir Cumar Cabdulle ayaa ka mid ah Ma-gafeyaasha dhalinyarada SOomaalida u tahriibin jiray dalka Liibiya, isagoona ka mid ah shabakad weyn oo ka howlgasha magaalooyinka Muqdisho, Itoobiya, Kenya, Soudan ilaa Liibiya.

Safiirka Soomaaliya ee South Sudan Xuseen Xaaji ayaa sheegay n nin kaan  muddo badan ay ku daba siren Interpol  oo kaashaneysay ciidamada booliska dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.

Safiirka aya wuxuu sheegay in ninkaan lala qabtay sedax nin kale oo la shaqeyn jirtay, iyagana la keeni doono Muqdisho.

“Dedaal badan ayaa la sameeyay, waxaana lagu guuleystay in lasoo qabto C/qaadir Cumar C/lle oo dadka tahriibin jirey, isagana kala gudbin jirey Sudan, Kenya illaa Liibiya, Saddex kale oo isaga la shaqeyneysa waa ay xiran yihiin, dhowaan magaalada Muqdisho ayaa la keenayaa, sidoo kale waxaa howshaan dedaal dheer u galay Booliiska Soomaaliyeed, Interpol, iyo sidoo kale Booliiska Koonfurta Sudan” ayuu yiri Safiirka.



Lama oga xukunka ninkaan tahriibiyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee baddaha ku la’day iyo kuwa madam furashada loo hays.
thumbnail Title: Ma-Gafe Caan Ah Oo Lagu Qabtay Koonfurta Suudaan Oo Laga Soo Dejiyay Muqdisho
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-08T21:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Ma-Gafe Caan Ah Oo Lagu Qabtay Koonfurta Suudaan Oo Laga Soo Dejiyay Muqdisho



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 08, 2017 and have 0 comments