Qorsho cusub: NISA oo yeelaneysa ciidamo cusub & Isticmaalka Gaadiidka dagaal iyo Hubka oo laga maamnuucayo

Qorsho cusub: NISA oo yeelaneysa ciidamo cusub & Isticmaalka Gaadiidka dagaal iyo Hubka oo laga maamnuucayo


Mark readRead later1.  Gudigii Xaflada IIFA 2017 Qaban Qaabiyeen Priyanka Chopra Lacagaha Ay Weydiisatay Wey Bixin Waayeen!
daajis.com:- Priyanka Chopra waxay noqotay atirisho caalami ah oo ka dhaxeyso Bollywood-ka iyo Hollywood-ka sidoo kalena magac weyn ayay ku dhex yeelatay gudaha Hollywood-ka.

Hadaba xafladii IIFA 2017 ee magaalada New York lagu qabtay waxaa laga waayay Priyanka Chopra oo la sheegay gudaga xafladaan soo qaban qaabiyeen inay ku adkaatay dalabka PC inay la kulmaan.

Priyanka iyo gudiga xaflada IIFA 2017 wada hadalo kala duwan ayay yeesheen laakiin markii bilawgii todobaadkaan IIFA lagu qaban rabay New York ayaa la shaaciyay in PC goobta imaan doonin.

Qof aad ugu dhow Priyanka ayaa shabakada Spot Boye u sheegay in Priyanka ay dalbatay lacago aad u fara badan oo ay gudiga IIFA 2017 bixin kari waayeen.

Sababtana waxay tahay in Priyanka haatan noqotay atirisho caalami ah madaama ay bilawgii sanadkaan ka qayb gashay xaflado badan oo caalami ah sida Oscar, Grammy Awards iyo kuwo kale.

Sidaa darteed Bollywood-ka Priyanka Chopra wey ka talaabsatay hadii ay u baahan yihiina waa inay siiyaan lacago la mid ah jilaa Hollywood-ka ka tirsan hadii ay xafladahooda ku casuumaan!

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Tue, July 18th, 2017 7:30 PM
Brothers Group
Mark readRead later2.  Xog: Cabsi weyn oo soo wajahday saraakiisha Shabaab iyo xaaladda oo meel xun gaartay
daajis.com:- Saraakiisha ugu sareyso ee ururka Al-Shabaab ayaa ku jirto cabsidii ugu dambeysay kadib markii lala daba kacay ugaarsi aan kala go’ laheyn oo lagu fulinayo diyaarado dagaal oo casri ah.

Diyaarado laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa bishaan gudaheed fuliyeen duqeyn waaweyn oo lagu dilay saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, waxayna tallaabadaan sababtay inay cabsi weyn soo wajahdo Saraakiishaas.

Deegaanka Kuunya Barow ayey aheyd meeshii ugu dambeysay oo ay diyaaradahaas duqeyn ka fuliyeen, wuxuuna deegaankaas hoos tagaa Gobolka Shabellaha hoose, waxaana duqeyntaas isla kaashaday ciidamo isugu jiray Ajaanib iyo Soomaali.

Saraakiisha Al-Shabaab ayaa hadda bilaabay inay habeenadii ay seexdaan meelo kala duwan, waxayna illo wareedyo rasmi ah Caasimadda online u xaqiijiyeen inay cabsi weyn soo food saartay Saraakiisha Al-Shabaab, waxaana laga yaabaa inay Saraakiishaan gudaha usii galaan duurka iyo lama dagaanka Soomaaliya maadaama ay diyaarado dagaal baadi goob ugu jiraan.

Magaalooyinka waaweyn ee Shabaab ay gacanta ku hayaan sida Jilib, Jamaame iyo Magaalooyinka kale, ayaa habeenkii markii ay galayaan gaadiidka Shabaabka, gabi ahaanba waxaa la damiyaa nalalka, oo gaariga waxaa lagu hagaa toosh, si nalka gaariga aysan diyaaradaha dagaalka u soo raacin oo loo bartilmaameedsan.

Midda ugu weyn oo ay Al-Shabaab ka cabsadaan ayaa ah taleefoonada gacanta, waxayna bilaabeyn inay taleefanada iyo Simcards-ka kala bixiyaan xilliyada qaar iyagoo ka cabsi qabaan in duqeyn loo geysto iyadoo loo marayo taleefoonada.

Sidoo kale waxaa jiro shaki weyn oo soo kala dhex galay Saraakiisha Al-Shabaab , maadaama ay jiraan shaqsiyaad kala duwan oo dhanka dowladda u soo baxsaday, kuwa kalena laga cabsi qabo inay u baxsadaan dhanka dowladda.

Xaaladaan ayaa lagu tilmaamay inay tahay middii ugu adkeyd oo dhawaanahaan soo marto Al-Shabaab, waxaana macquul ah inay soo dhawaatay xilligii lasoo afjari lahaa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Tue, July 18th, 2017 6:46 PM
Brothers Group
Mark readRead later3.  Sargaal Somali ka tirsan Booliska Mareykanka oo toogasho ku dilay Haweeney Cadaan ah (Sidee ayuu u dhacay)
daajis.com:-Sida ay baahiyeen Jaraa’idyada kasoo baxa dalka Mareykanka Sargaal Somalia ah oo ka tirsan cidamada Booliska Mareykanka ayaa toogasho ku dilay Haweeney Cadaan ah.

Sargaalkan oo lagu magacaabo Maxamed Nuur, ayaa la sheegay in dhowr rasaas uu ku dhuftay Haweeneyda oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Australia.

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Justine Damond, ayaa la toogtay xili ay ku sugneyd magaalada Minneapolis dalka Mareykanka, waxa uuna Maxamed Nuur ciidanka ku biiray sanadii 2015-ta.

Mid kamid ah Saraakiisha goobjooga ka ahaa falka oo warbaahinta maxaliga ah la hadlay ayaa sheegay in dhacdada ay timid kadib markii haweenaydaasi ay soo wacday labo Sarkaal oo Booliska ka tirsan, ka dibna ay tageen gurigeeda ,halkaasi ay xabad ka dhacday.

Justine Damond, oo ku cusbeyd dalka Mareykanka ayey Booliska u arkeen inay tahay mid u maleegtay shirqool, maadaama ay goobta ka dhaceen rasaas isla markaana qudheedu aheyd mid ku cusub dalka.

Geesta kale, waxaa dhacdadan ka gaabsaday Booliska oo iyagu diiday inay kusii fogaadan qaabka uu dilka u dhacay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Tue, July 18th, 2017 4:58 PM
Brothers Group
Mark readRead later4.  Qorsho cusub: NISA oo yeelaneysa ciidamo cusub & Isticmaalka Gaadiidka dagaal iyo Hubka oo laga maamnuucayo
daajis.com:- Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”, Wasiirka amniga Somalia ayaa daboolka ka qaaday inay ku howlan yihiin qorsho isbedel loogu sameyn doono ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee ”NISA”.

Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow ”Ducaale”, waxa uu tilmaamay in Hay’adda loo rogi doono ciidamo dhar cad ah, isla markaana laga guuri doono ciidamada labisan.

Waxa uu Ducaale sheegay in arrintaasi ay uga gol leeyihiin dib usoo celinta maqaamka Sirdoonka Somalia, iyadoo la tixraacayo sida ay ku shaqeyn jirtay dowladii dhexe ee Somalia.

Wuxuu sheegay in Hay’adda laga fogeyn doono Hubka qoryaha ah oo ay wataan ciidanka, Gaadiidka dagaal iyo dharka ciidanka oo ay ku labisan yihiin.

Wasiirka amniga ayaa sheegay ammaanka Magaalada Muqdisho dowladda inay u sameysay qorshe cusub oo amniga si weyn loogu xaqiijin doono.

Ciidanka NISA ayaa qaabka hadda ay ku shaqeeyaan waxa ay tahay inay hubaysan oo ciidanka Magaalada jooga laga dhex garto, halka ciidamada dharcadka ee NISA ay yihiin kuwa aad u yar oo aanan sidaasi u badneyn.



Geesta kale, Wasiir Ducaale ayaa ballanqaaday in ciidamada dhar cadka ee lagu daadin doono dhammaan magaalada iyo Gobolada loo dhameystiri doono xuquuqda.
thumbnail Title: Qorsho cusub: NISA oo yeelaneysa ciidamo cusub & Isticmaalka Gaadiidka dagaal iyo Hubka oo laga maamnuucayo
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-19T22:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Qorsho cusub: NISA oo yeelaneysa ciidamo cusub & Isticmaalka Gaadiidka dagaal iyo Hubka oo laga maamnuucayo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 19, 2017 and have 0 comments