SAWIRRO: Farmaajo Oo Amar Kasoo Saaray Wixii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

SAWIRRO: Farmaajo Oo Amar Kasoo Saaray Wixii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan deg deg ah la yeeshay taliyeyaasha ciidamada iyo hay’addaha amniga, isagoo kala hadlay iska hor imaadkii shalay ka dhacay Muqdisho ee dhaliyay dhimashada iyo dhaawaca.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Amniga, Wasiiru kuxigeenka Gaashaandhigga, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirka Maaliyadda, Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida, Taliye kuxigeenka Milateriga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Madaxweyne Farmaajo ayaa guddi xaqiiq raadin ah oo baaritaan ku sameeyay shaqaaqadii shalay magacaabay, waxaana guddigan Guddoomiye u ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid)

Farmaajo wuxuu amar ku bixiyay in wixii shalay dhacay aysan dib danbe usoo noqon, isla markaana wixii hadda ka danbeeya lagula xisaabtamaayo Taliyeyaashe ciidamada kala duwan.

Taliye Saacid  oo ay wehelinayaan Wasiirka Amniga Dowladda Faderaalka ah, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Nabad-sugidda iyo Xoogga dalka ayaa isla markiiba soo kormeeray labadii goobood ee ay ka dhacday is-rasaasaynta, iyaga oo halkaas warbixinno kaga dhagaysteen saraakiil ka tirsan ciidamada.

Waxaa sidoo kale laamaha amniga ay qaadeen tallaabo lagu soo xiray ciidamadii ka qeyb qaatay isku dhacyadii shalay, laguna bedelay ciidamo cusub, isla markaana la bilaabay baaritaanka sidii ay wax u dhaceen.









Iska horimaadyadii shalay ayaa waxaa ku dhintay shan askari oo uu ku jiray sarkaal ka tirsanaa NISA, balse la shaqeynayay xafiiska ra’iisul wasaaraha.


thumbnail Title: SAWIRRO: Farmaajo Oo Amar Kasoo Saaray Wixii Shalay Ka Dhacay Muqdisho
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-27T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
SAWIRRO: Farmaajo Oo Amar Kasoo Saaray Wixii Shalay Ka Dhacay Muqdisho



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 27, 2017 and have 0 comments