SAWIRRO: Wasiiro Booqday Xalane Oo Wax Aan La Fileyn Kusoo Arkay Iyo Xog Dheeri Ah

SAWIRRO: Wasiiro Booqday Xalane Oo Wax Aan La Fileyn Kusoo Arkay Iyo Xog Dheeri Ah

Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka oo booqday shalay xarunta Xalane ee saldhiga u ah ajaaniibta ka howlgasha Soomaaliya, kuwaasi oo shaqooyin aan lala socon ka haaya iyo shirkaddo kala duwan oo ka beec mushtara Soomaaliya.

Wasiirada booqday oo ujeedadoodu aheyd in tirakoob lagu sameeyo shirkaddaha iyo shaqaalaha ku sugan xarunta Xalane iyo inay bixiyaan canshuurta dalka ayaa waxay kusoo arkeen wax aysan fileyn, iyo 150 shirkadood oo howlo kala duwan ka haaya halkaasi, kuwaasi oo u badan hay’addaha UN-ka iyo safaaradaha caalamka.Wasiirada booqday Xalane ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka warfaafinta Inj. C/raxmaan Yariisow, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Saalax Axmed Jaamac iyo wasiir kuxigeeno.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya oo meesha ka hadlay ayaa marka hore u sheegay shirkaddaha meesha degan in Xalane ay tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya isla markaana ay u hoggaansamaan sharciga dalka ka jira ayna bixiyaan canshuurta.Wasiir Saalax ayaa sidoo kale sheegay shaqaalaha Ajnabiga ah ee halkaasi ku sugan inay baari doonaan shaqadooda si loo ogaado in ay jiraan shaqooyin uu qaban karo qof Soomaaliyeed si shaqo abuur loogu sameeyo Dhalinyarada Soomaaliyeed ee mararka qaar dalka ka tahriiba.





Mid ka mid ah Saraakiishii kulankaas goobjooga ka ahaa ayaa si awood ah ugu sheegay Madaxda shirkadahaas in aysan Soomaaliya ka Shaqeyneyn doonin hadii aysan isdiiwaangelin.
thumbnail Title: SAWIRRO: Wasiiro Booqday Xalane Oo Wax Aan La Fileyn Kusoo Arkay Iyo Xog Dheeri Ah
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-09T00:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
SAWIRRO: Wasiiro Booqday Xalane Oo Wax Aan La Fileyn Kusoo Arkay Iyo Xog Dheeri Ah



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 09, 2017 and have 0 comments