Sushant Singh Rajput “ Uma Maleynaayo In Sara Ali Khan Ay Wax Dhib Ah Kadareymeeso Qaabke Bollywoodka Kuso Gali Laheyd”

Sushant Singh Rajput “ Uma Maleynaayo In Sara Ali Khan Ay Wax Dhib Ah Kadareymeeso Qaabke Bollywoodka Kuso Gali Laheyd”

 Atooraha lagu magacaabo Sushant Singh Rajput kaaso ah atoore aad u mashquulsan misane ku mashquulsan shaqadiisa Bollywoodka ayaa aaminsan in Sara aysan caqabad kala kulmi doonin soo galida ama sameynta filimkeda koowaad.

Xidigaan oo ku howljira mashaariicdisa kala duwan ay ka mid yihiin Chand Mama Door ke, Drive, Kedarnath iyo waliba RAW ayaa saxaafada wareysi siiyay.

WARAR DHEERAAD AH:
Waxaaana wax laga weydiyay gabadha uu dhalay Saif Ali Khan ee Sara Ali Khan taaso kusoo caan bixi doonto filimka uu Xidigaan atooraha ka yahay ee Kedarnath kaaso dhawaan duubis lagu bilaawi doono.

SSR oo hadlaaya wuxuu yiri,” waxaan dhawaan bilaawi doona isu diyaarinta duubista filimka Kedarnath, waan la kulmay Sara waliba meelo munaasib ah ayaan isku aragnay xaqiiqdii waa gabar firfircoon oo dhalaaleysa.”

“Aadbee isugu kalsoontahay gabadhani waliba waxay kalsooni buuxdo ku qabtaa inee Bollywoodka heersare ka gaari doonto, waana hubaa inee dadaal dheerad ah la imaan doonto Sara.”

Filimka Kedarnath waxaa hogaaminayan Sushant Singh Rajput waana filimka la rabo in Sara Ali Khan lagu oo caan bixiyo waxaana Director ka ah Abhishek Kapoor kaasona la filaayo in goor dhow duubis lagu bilaawi doono.



thumbnail Title: Sushant Singh Rajput “ Uma Maleynaayo In Sara Ali Khan Ay Wax Dhib Ah Kadareymeeso Qaabke Bollywoodka Kuso Gali Laheyd”
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-27T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sushant Singh Rajput “ Uma Maleynaayo In Sara Ali Khan Ay Wax Dhib Ah Kadareymeeso Qaabke Bollywoodka Kuso Gali Laheyd”



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 27, 2017 and have 0 comments