VIDEO: Adeegsiga EVC Oo Gaaray In Koobkii Shaaha Ah Lagu Kala Iibsado Laguna Tuugsado

VIDEO: Adeegsiga EVC Oo Gaaray In Koobkii Shaaha Ah Lagu Kala Iibsado Laguna Tuugsado

Xaalad cakirnaan ah ayaa ka taagan gobolada Dhexe, taasoo ka dhalatay sicir barar sababay isticmaalka adeega loo yaqaan EVC ee ay bixiso shirkadda Hormuud, kaasoo suuqa ka saaray adeegsiga Shilin Soomaaliga.

Magaalooyinka Baladweyne, Guriceel, Dhuusa Mareeeb, Cadaado, Gaalkacyo iyo magaalooyin kale ayaa sicir bararkii ugu xumaa uu ka jiraa, dadkana dibadbaxyo ka dhigay sicir bararkaan, waxaana gebi ahaanba deegaanadaasi ganacsatadii diideen isticmaalka shilinka Soomaaliga iyagoo ku doodaya in lacago been abut ah suuqa lasoo geliyay.

Magaalooyinkaasi ayaa isticmaalka adeega EVC uu xitaa gaaray in koobkii Shaah ah looga cabo lacag dollar ah oo qofka uu Mobile-kiisa ka tuurayo 10 cent, halka lacagtii shillin Soomaaligiina horay looga iibsan jiray uu baaba’ay.

Sidoo kale dadka fuqarada ee tuugsada ayaa saameyn uu ku yeeshay, kuwaasi oo hili jiray shilin Soomaali, laakiin waxay bilaabeen inay mobile-da ku tuugsadaan



HALKAAN KA DAAWO FUQARADA MUQDISHO OO LACAGO LOOGU TUURAYO MOBILE-DA



Magaalada Muqdisho ayaa kow ka ah goobaha uu ka dhintay isticmaalka Shilinga Soomaaliga, qof walbana uu adeegsanaayo EVC, xitaa fuqaradii tuugsaneysay adeegsadaan mobile loogu tuurayo sadaqada.

thumbnail Title: VIDEO: Adeegsiga EVC Oo Gaaray In Koobkii Shaaha Ah Lagu Kala Iibsado Laguna Tuugsado
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-08T20:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
VIDEO: Adeegsiga EVC Oo Gaaray In Koobkii Shaaha Ah Lagu Kala Iibsado Laguna Tuugsado



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 08, 2017 and have 0 comments