Video: Qatar oo loo dhoofiyay Lo irmaan ah si looga maarmo caanihii ka imaan jiray Sacuudiga

Video: Qatar oo loo dhoofiyay Lo irmaan ah si looga maarmo caanihii ka imaan jiray Sacuudiga

Waxaa magaalada Doha ee dalka Qatar gaaray qeybtii ugu horeysay ee Lo irmaan ah si looga maarmo caanihii ugu imaan jiray Sacuudiga oo xayiraad dhulka, cirka iyo badda kusoo rogay.

Lo’daan ayaa ka yimid dalka Jarmalka waxaana qorshuhu yahay in ilaa 4.000 neef oo caano badan la gaarsiiyo Qatar, iyadoo qeybtii ugu horeysay lagu daabulay diyaaraddo.

Caanaha laga lisay 165 sac ayaa durba la bilaabay in loo iib geeyo suuqyada Qatar. taasoo dabooli doonto baahida badan ee caana la’aanta ka jirta Qatar.




Shan todobaad ayaa laga joogaa cunaqabatayno dhanka hawada, dhulka iyo badda ah ee la saaray Qadar taasoo jahwareer abuurtay maaadaama oo bulshada halkaas ku nool oo 2.7 milyan ah ay waxyaabaha aasaasiga ah ka heli jireen dalka dibaddiisa.




thumbnail Title: Video: Qatar oo loo dhoofiyay Lo irmaan ah si looga maarmo caanihii ka imaan jiray Sacuudiga
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-13T19:33:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Video: Qatar oo loo dhoofiyay Lo irmaan ah si looga maarmo caanihii ka imaan jiray Sacuudiga



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 13, 2017 and have 0 comments