Xiisada Ilkacase iyo Farxiya Kabayare iyo isticmaalka sawirka mas’uul qaran

Xiisada Ilkacase iyo Farxiya Kabayare iyo isticmaalka sawirka mas’uul qaran

Fanaanka nuuca heesaha rap-ka ah qaada ee Soomaaliga ah Qeys Ilkacase ayaa u gafay gabadha iyaduna heesaha dabacsan heesta ee Farxiyo Kabayare, sida qoraaladiisa ka muuqatay wuxuu ku andacoonayay iney iyadu bilaawday dhaga hadalka, si walbaba waxaa jirta kala duwanaansho Ilkacase iyo kabayare ah.

Yeelkiis dagaalka labadooda u dhaxeeya, laakiin waxaa is weydiin mudan sax miyaa inuu qofi saarto profile-kiisa facebook sawir qof masuul qaran ah kadibna uu aflagaadeeyo cidii uu doono ama wax been abuur ah uu faafiyo,.

markii aan eegno caqliyadda saliimka ah iyo xeerarka dunidda horey u martay jawaabtu waa maya, sababtoo ah waxaa loo fahmi karaa inuu masuulkaas waxaan socda raali ka yahay ama uu isaguba waddo, hagaag hadii ay dhacdo in qof wata sawir masuul qaran uu dad aflagaadeeyo ama faafiyo waxyaabo been abuur ah maxey tahay ciqaabtiisu hadii uusan masuulkaasi raali ka aheyn ? .



Dalka Jarmalka nin soo galooti Suuriyaan ah ayaa sawir selfie ah la wadaagay Ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel bishii September sanadkii 2015 kadibna waxaa uu saartay Profile-kiisa Facebook,wuxuu bilaabay inuu baahiyo warar been buur ah si uu macaamiil badan u helo,

dad badan run ayey u qaadan jireen xogtiisa madaama uu heysto sawirka isaga iyo Chancellor-ka Jarmalka Angela Merkel, 6-dii Febraayo 2017 ayaa lagu soo oogay dacwad aheyd in isagoo isticmaalaya sawirka Ra’iisul wasaaraha inuu faafiyay warar been ah , 7-dii March ee sanadkaan ayaa Anas Modamani oo 19 jir ahaa lagu xakumay xarig, lacag iyo inuu ka saaro bartiisa sawirka iyo xogta beenta ah.



Fanaan ilkacase waxaa ila quman in hadii uu rabo in cid walba uu weeraro inuu iska dajiyo sawirka gudoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi oo uusan u gafin masuulkaas oo hadda xil muhiim ah u haya qaranka.

W/Q: Cabdullahi Cismaan Faarax
thumbnail Title: Xiisada Ilkacase iyo Farxiya Kabayare iyo isticmaalka sawirka mas’uul qaran
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-30T21:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Xiisada Ilkacase iyo Farxiya Kabayare iyo isticmaalka sawirka mas’uul qaran



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 30, 2017 and have 0 comments