Xog: DF Somalia oo rabta in qorshaha milatariga ay u kaashato Masar

Xog: DF Somalia oo rabta in qorshaha milatariga ay u kaashato Masar

 Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliy Jeneral Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, ayaa booqasho qaadatay afar malamood ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar, 10-14-kii July, sida ay ogaatay shumis Online.

Intii lagu guda jiray socdaalkiisa ayaa Jeneral Cirfiid wuxuu la kulmay dhiggiisa dalka Masar Mahmoud Hijazi, oo uu kala hadlay arrimaha ciidamada dalka Soomaaliya.

Jeneral Cirfiid ayaa dowladda Masar weydiistay taageero farsamo iyo barnaamij tababar oo loo fidiyo ciidamada cusub ee kusoo biiraya milatariga Soomaaliya.

Hijazi ayaa ogolaaday inuu codsiga Cirfiid u gudbiyo madaxweynaha dalka Masar Abdifatah al-Sissi, islamarkaana dhabbaha loo xaaro heshiis milatari oo dhex mara xukuumada Qaahira iyo Muqdisho.



Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaanahan ballaarineysay iskaashiga milatari ee ay la leedahay dalalka kale, ayada oo dhowaan madaxweynaha Turkiga Erdogan uu ogolaaday inuu 300 oo askari usoo diro saldhigga Turkiga ee Muqdisho bisha August, si ay u tababaraan ciidamada Soomaalida.
thumbnail Title: Xog: DF Somalia oo rabta in qorshaha milatariga ay u kaashato Masar
Posted by:galmada Net
Published :2017-07-22T19:29:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Xog: DF Somalia oo rabta in qorshaha milatariga ay u kaashato Masar



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at July 22, 2017 and have 0 comments