Akhris DHAMBAAL JACEYL: "Fariimo jaceyl aad u macaanbadan"

Akhris DHAMBAAL JACEYL: "Fariimo jaceyl aad u macaanbadan"

khaaliyeey dooqiyo jaceylkuba dadka wey wadaagaan,
damac iyo xishoodna dumar lagama waayo,
diintiyo qur’aankuna culimadu ma deyso,
anna doonistaadii kama daallin inanyahay,
Inaan kuu dandaranahay adba waad dareentaye
Maad ila dadaashid?


Najaxey cowsha duurka joogtiyo , dugaagiyo waraabahaan
maalmahan la deris noqday , waan daahayaayoon
waan duulayaayoon ,adiga kuu duleysnahay
degenaanshihii diidayoo ,cishqi kale igama degaayo
Ee hadaan leygu kaa dirin ,ama dooqu xumi ku gelin
maxayna kala dareershay?.
waranka duxdiisiyo , waxa adiga kuu daran
anba kuguma daayeen
Ee maxaad iiga durugtay?
      qaali this is gift for you
Honey  dhaayahaaga buluugga ah, dhabanadaada guduudantimahaaga dhuxusha ah ,ilkahaaga dhalaalaya
dhabarkaaga toosan iyo ,dhexdaadan la qoraan
Honey la dheygagay dumarkaad wax dheertahay
dhismaha jirkaagaa dhaayihii mar arkaa
dhinac u jeeso oggoleyn hadal iyo dhamaantii
yey ila dhaqaaqin amaantoo adna aanan wax kuu dhimine
murtideyda ila dhuux , dhimbil baa igu dheggenoo
maalmahan idhibeysey , Jaceyl bey dhaawacoo
dhinacaaga iga helay , caashaqa dhibkiisana
qofka laguma dhaafo , dhaawaciisa culusaa
dhaqtarkiisu yaraa , dhimashadiisu fududaa ,
dhadhan waan ka go’ayoo, hurdo dhinac ma seexdo
adaan kuu dhararayaa ee dheyl warkayga hamoodin, gacaliso
……………………………….

Yuu dhibay jacayloo, Kudhaliyay walacoo
Dhalan rugay naftiiso, Qalbigiisa wax u dhimay
Dhaawiciiso gaaroo Yuu Dheelmay leyl kii
Dhu-dhumada kajabiyay, xilli uu dayaxu dhacay
Dhaq-dhaqaaqi waayoo, Yuu dhaafshay wakhtiqii
La dhutiyay wax badan , hadba dhinac o rugay
Yuu dhamac ku shidayoo , dhabayaal cid laa hoo
Ku dhalaashay Milicdoo, dhawaaqii kayeeraba
Dhugor tiisa gubayoo , dhagta yaa la raacay
Kadheereyay raaxada, Yuu U diiyay Dhunigoo
Yuu Dhaxan ta joojiyay, Liqi waayay dheftii
sida dhidibka tiirkoo , lixaad kiisa dhumiyoo
Dhadada iyo roob-kuba , dheehiisi Baas dhigay
dusha ogu dhaceenoo, Yuu Ka reebay dhallintii
yuu dhamana hays iyo , Dheeshiyo ciyaartii
dhakafaar u gaystoo , Gooni joog ka dhigayoo
fikir uu la dhuubtiyo , kadhaxsaaray dadkoo idil

Qalinkii Asma Maxamuud Hassan 
waxan idiin so diiyar doon 
Todoba kasta sheeko xiiso badan insh aallah wad mahasatiin dhaamatib
BATALAALE NEWS.COM
  Stockholm office
Contact@batalaalenews.com
thumbnail Title: Akhris DHAMBAAL JACEYL: "Fariimo jaceyl aad u macaanbadan"
Posted by:galmada Net
Published :2017-08-18T06:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Akhris DHAMBAAL JACEYL: "Fariimo jaceyl aad u macaanbadan"



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at August 18, 2017 and have 0 comments