​ARREEY MEHAANAA U DHINNAYD!

​ARREEY MEHAANAA U DHINNAYD!

Afgembigii ciidanku xoogga ku la  ku wareegay hoggaanka dalka, kuna marooqsaday xukunkii shacabka qori caaddiis ka dib, waxaa 3/7/1972, dil lagu oogay General Salaad Gabeyrre Kadiye, General Maxamad Caynaanshe Guleed iyo Col. Cabdulqaadir Dheel Cabdulle, oo lagu eedeeyey, in ay afgembi 
qabanqaabinayeen, balse, dhabtu eheed, in loo laayay gardarro iyo cabsi laga qabay, oo ku aaddanaa, loollan siyaasaeed, kuna saabsanaa maaraynta iyo awoodqaybsiga, ayna sii dheereed ballan ka baxyooyin iyo burin axdiyo hore loo wadagalay, intii lagu dhexjiray shirqoolka.


Markii la dilay, ayaa waxgarad ka soo jeedday beesha uu ka dhashay jeneral Salaad Gabeyrre Kadiye, waxaa la weydiiyey, sida ay u arkaan dilka jeneral lagu fuliyey? Markaa ayey ku warceliyeen; “Arreey mehaanaa u dhinnayd!” iyagoo farta ku fiiqaya iilka la dhigay, godka la geliyey iyo xabaasha lagu aasaay!
Hadda mar kale, ayey oraahdaa soo laabatay, iyada oo malaha ay dhihi doonaan beel la dhalatay is la beesha Gabayrre laga dilay! Maxaa yeelay, hadda waxaa dilsuge ah, Dable Axmad Cabdullaahi Caydiid oo 29 jir, kana tirsan ciidanka xoogga dalka. Labada xukun, ee mid la fuliyey afartameeyo gu’ ka hor, midna hadda dhiciddiisa la wada sugayo, haddaan amar kale iman, waxaa halbeeg u wada ah, qabjebin iyo cabburin beelo gaar ah loogu dirayey farriimo siyaasadeed, si aysan u soo hawaysan xukun iyo maamul. Waysha gawrac dibigu ha ku quusqaatee!
Dable Axmad wuxuu u xiran yahay, kuna eedaysan yahay, dilka marxuum Cabbaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji, oo ahaa Wasiirkii hore ee Hawlaha guud. Dable Axmed Caydiid wuxuu waardiye u ahaa hantidhawrkii hore ee dowladda, Dr. Nuur Faarax, ee xilkiisi ku waayey dilka wasiirka sabab aan la garanaynn.
Sidii uu Wasiir Siraaji ugu dhintay shil kama’ ah, Eebbe ha u raxmadee, waxaa reero QIIRO is ku la qayliyeen, in qaladka dhacay, oo ka mid ah qayb nololeedka magaalada Muqdisho, in Hanti Dhawrka Qaranka Dr. Nuur Faarax xilka laga qaado,

Dilka dhacay, in badan baa ka xumaatay, ugana xumaatay, in wasiir la dilay, may wiil dhallinyaro ah! Alla maxaa wiil dhallinyaro ah maalingashaw degaanka Soomaali loogu dilaa maalaa yacni, haddana, aan sidan oo kale looga qiiroon, loogana qiilsan? Geeri ka la GOBSAN!
Ogow, Hanti Dhawrka Qaranka Dr. Nuur Faarax, wuxuu leeyahay XASAANAD uusan haysan wasiirka dhintay ama Golaha Wasiirrada xilka ka qaaday, ee sidee ku dhacday, in xabsi guri degdeg looga dhigo? Marka laga soo tago, falka kama’a ku dhacay, ee uu ku baxay wasiir siraaji, waxaa hubaal ah, in arrinta Hanti Dhawrka QARANka Dr. Nuur Faarax, ay qayb ka tahay shirqoollo siyaasadeed, oo hirgelintooda lagu hawllanaa, oo ay soo dedejisay dhacdadan.
Dilsuge Dable Axmad Caydiid, wuxuu falku ka dhacay, isaga oo ku gudajira hawlqabadkiisa caadiga ah, ee ah ilaalinta madax dawladeed, dilkuna wuxuu dhacay, ka dib markii uu ka shakiyey gaariga wasiirku saarnaa, ayaandarro xabbad uu ku riday uu ku qurbaxay wasiir Siraaji.
Marxuum Siraaji, Eebbe ha u raxmadee, isaga iyo ehelkiisba garsoor ayey u baahan yihiin, is la sidaa oo kale, Dable Axmed Caydiid, wuxuu dalbanayaa garsoor, si loo helo, wadiiqada ugu dhaw, waa in labada tol wadahadlaan, beesha Dable Axmed Caydiidna diyaar u yihiin, oo sida cad, ay diiddan tahay dawladdu!
Garsoor la siyaasadeeyo, waxaa ka dhasha fadqalallo iyo qalaalse siyaasadeed iyo amni, ee masuuliyaddiisa yaa qaadaya? Ka sokow, horta Dable Axmed Caydiid ma ahayn mooryaan ama malleeshiyo, sida ay faafinayaan kuwa aragtidooda dhan ku soo aruurtay nacaybka iyo faquuqa, ee Dable Axmad Caydiid waa askari iyo ciidan dawladeed, oo ah askari dawladeed ka dhigaya qabiil una isticmaalaya kiiskiisa wax ay qabiil ku xumeeyaan. Kuwaasi waa kuwa maalinta cad ku luuqeeya heesaha waddaniga, habeenkiina garaaca durbaannada qabiilka. 
Ku darsee, horta saw shaqo dawladeed ku ma jirin Dabdle Axmed Caydiid? Saw ilaalin mayn madax dawladeed? Askariga haddii uu gef ka dhaco waa ku keligiis yaa yiri, hadduu guul keenana dawladda iyo madaxdeeda ayaa is ku sawiraya, oo ammaan ku raadinaya? Ka sii wada muhiimsane, haddii gaarigaa uu ahaan lahaa, gaari Shabaab walxo qarxa ka soo buuxeen, Dable Axmed Caydiid, muxuu mudnaan lahaa?.
Mid kale, oo dawladdu ceebteeda ama gaabiskeeda ku qarinayso i la arag.  Qofka la dilay, marka dilku dhacayey, wuxuu ahaa darawal watay gaari aan lagu aqoon madaxda dowladda, marka saw wasiirku xaq u ma lahayn gaari Toyota Hilux dul bannaan ah (qooqan) iyo ciidan ilaalo ah? Ammaankiisa yaa dacay?.
Markii dhacdadani dhacday toddobaadyo ka dib, waxaa dhacdey, in Faarax Nuur Cali Xeyle, oo ka mid ah ilaalada taliyihii hore ee nabadsugidda jenaral Gaafoow, uu toogtay sarkaal ka tirsan shaqaalaha dowladda, siiba ahaa garyaqaan ka shaqeeynayay Maxkamadda gobalka Banaadir, oo ah tan ridday xukunkii koowaad ee Caydiid, kaasoo ilaa hadda aaney cidina soo xirin, is ka daa in la xukumee, cid daba socotaana aysan jirin, bal loo fududeeyey, in labada beel ka wada xaajoodaan dhibka dhacay, hoosna u dhammeysteen waxooda, si shifo shifo ah, xaal mastuurna ku ergadeen, una wada dawoobeen.


Sida ay dowladdu awoodda u saartey, in la dilo Dable Axmed Caydiid una diiday, in laga xaajoodo, ay ka wadahadlaan beelaha ay ka dhasheen dilaha iyo la dilaha, saw arrinku u ma eka beegsi dad gaar ah la doonayo, in shaati dowladeed lagu dhibaateeyo laguna waxyeelleeyo? Saw ka madhigna; la jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan?.
NAXLI IYO NUXUUS!
Bashiir M. Xersi.
thumbnail Title: ​ARREEY MEHAANAA U DHINNAYD!
Posted by:galmada Net
Published :2017-08-21T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
​ARREEY MEHAANAA U DHINNAYD!



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at August 21, 2017 and have 0 comments