ARRIN LA YAAB LEH:- Hooyo Wiilkeeda Curadka ah doorasho kaga guuleysatay
Haweeney u dhalatay dalka Kenya iyo wiilkeeda ayaa ku tartamay kursi baarlamaanka koonfurta dalka, waxaana dhacday in ay doorashada kaga guuleysatay.
Mrs. Beatrice Kones ayaa wiilkeeda curadka ah Kipkalya Kones kula tartantay kursiga baarlamaanka ee bariga Bomet, natiijada markii ay soo baxdayna waxa ay muujinaysaa in ay ka guuleysatay wiilkeeda.
Haweeneydan ayaa horey xildhibaan u noqotey kadib markii seygeeda uu ku dhintey shil diyaaradeed oo ka dhacay degmada Narok ee Kenya., balse waxa xilkaasi lagaga reeyey doorashadii dhacday 2013-kii.
Waxa ay haweeneydani ku eedeysay gafarnatoorihii hore ee degmada Bomet Issac Ruto in uu qarash galiyey wiilkeeda si uu ula tartamo.
Balse wiilkeeda oo kaalinta afaraad ka galay tartanka ayaa sheegey in hooyadiis ay horey ugu balanqaaday in ay isaga taageeri doonto doorashada 2017-ka, isla markaasina lasoo gaaray xiligii uu riyadiisa ka dhabayn lahaa.
“Nooma dhaxeeyo wax farqi shaqsiyadeed ah, mana aanan murmin, waxay sii ahaan doontaa hooyadey” ayuu yiri.

Posted by:
Published :2017-08-13T05:30:00+07:00
ARRIN LA YAAB LEH:- Hooyo Wiilkeeda Curadka ah doorasho kaga guuleysatay
Posted by August 13, 2017 and have
0
comments
, Published at
No comments:
Post a Comment