OGOOW: Xigmada Ka Danbeysa In Tarsan Loo Magacaabo La-Taliyaha Madaxweynaha

OGOOW: Xigmada Ka Danbeysa In Tarsan Loo Magacaabo La-Taliyaha Madaxweynaha

Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Maxamed Axned Nuur “Tarzan” u magacaabay la-taliyihiisa arrimaha siyaasadda, waxaana soo baxaya sababo uu usoo xushay Farmaajo inuu xilkaasi sare u magacaabo Tarzan.

Madaxweyne Farmaajo oo kalsooni buuxda ku qabin beelaha gobolka Banaadir marka laga reebo beesha Mursade, isla markaana siyaasiyiinta iyo xildhibaanada beelaha gobolka Banaadir mucaaradaan siyaasadda xukuumadda iyo tan madaxweynaha, baraha bulshadana kusoo bandhigaan dhaliilo loo jeedinaayo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, qof ku hadla afka madaxweynaha oo dhaliilahaasi ka jawaabana aysan jirin.

Farmaajo ayaa lagula taliyay in uu magacowdo siyaasi kasoo jeeda beelaha Hawiye oo dhaliilaha loo jeediyo si aan xishood laheyn ugu jawaabo, wuxuuna madaxweynuhu gartay inuu Tarzan mudan yahay xilkaasi, maadaama uu yahay cod kar, xiligii uu gobolka banaadirna maamulayay inuu si cad ugu weeraro beelaha Hawiye, gaar ahaan Abgaal ee ku dooda in gobolka Banaadir iyaga lagu tixgeliyo, balse Tarzan uu xilkiisii ku difaacan jiray in Banaadir tahay magaalo aan cidna sheegan karin.

Sababta kale ee Tarzan uu usoo xushay Farmaajo ayaa in aan la hayn siyaasi Hawiye oo afkiisa ku difaaca Madaxweyna, inkastoo uu isku dayay Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran C/llaahi Sanbaloolshe, hase ahaatee waxaa loo sheegay in Sanbaloolshe uu yahay sarkaal ciidan oo aysan mudneyn in uu arrimahaasi ka jawaabo, mar uu isku dayay inuu ka fal celiyo dhaliilo dhowr mar uu xildhibaan Mahad Salaad u jeediyay xukuumadda iyo siyaasadda madaxweynaha.


Xubnaha dowladda ee aadka ugu dhow Farmaajo ayaa u sheegay in Tarzan yahay siyaasi hawiye kasoo jeeda oo aan xishoon xilkaasina uu mudan yahay in uu wax walbo oo lagu difaacayo Farmaajo afkiisa ka sheegi karo
thumbnail Title: OGOOW: Xigmada Ka Danbeysa In Tarsan Loo Magacaabo La-Taliyaha Madaxweynaha
Posted by:galmada Net
Published :2017-08-05T02:22:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
OGOOW: Xigmada Ka Danbeysa In Tarsan Loo Magacaabo La-Taliyaha Madaxweynaha



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at August 05, 2017 and have 0 comments