SHEEKO CAJIIB AH AQRI OO DHUUX maxbuus la soo daayey oo shir jaraaid qabtay:

SHEEKO CAJIIB AH AQRI OO DHUUX maxbuus la soo daayey oo shir jaraaid qabtay:

SHEEKO CAJIIB AH AQRI OO DHUUX 
maxbuus la soo daayey oo shir jaraaid qabtay:
waxaan rabaa inaan halkaan uga mahadnaqo madaxweynaha jamhuriyada dimoqraadiga ee soomaaliya jaale maxamed siyaad bare, raisul wasaare maxamed cali samatar iyo madaxweyne ku xigeen xuseen kulmiye afrax oo ka shaqeeyey in la iga sii daayo xabsiga ay itoobiya igu haysay 30-kii sano ee la soo dhaafay, waxaan leeyahay waad ku mahadsan tihin sida wanaagsan ee aad arintaasi uga shaqeyseen.
wariye: mudane hada madaxdaas aad sheegeyso wadanka madax kama aha.
maxbuus: oo xageey aadeen? ma safar ayey ku maqan yihiin?
wariye: maya ee xukunkiiba waa laga tuuray.
maxbuus; oo intii aan xirnaa wadanka ma doorasho ayaa ka dhacday.
wariye: maya ee dagaal hubeysan ayaa looga tuuray.
maxbuus: iga daa ciyaarta, aaway booliskii iyo taraafikadii ilaalineysay?
wariye: dhamaan way is cuntay.
maxbuus: oo ragaas aan ka hadlayna.
wariye: dhamaan wey dhamaadeen.
maxbuus: ok, intii aan maqnaa miyey waxaas oo dhan is badaleen.
wariye: sow ma ogid xataa kuwii ku xiray iney mar xamar yimideen?
maxbuus: iga daa ciyaarta, aaway asluubtii maxey u xiri waayeen?
wariye: adigii xiri lahaa sow iyaga uma xirneyn.
maxbuus: taas ayaan iloobay. ee hada maxaa talo ah?
wariye: dadkaaga dhinac ka raac, caadina iska dhig.
maxbuus: waxaan wataa lacag jeex jeexan oo 5, 20, 50, iyo 100 ka kooban oo shilin soomaali ah ee taloow xageen kaga qadeeyaa?
wariye: lacagtaas aad sheegeyso maba shaqeyso.
maxbuus: taloow bankiga ma ii badalayaa hadaan tago?
wariye: bankigee?
maxbuus: bankiga dhexe.
wariye: banki dhaxe maba jiro. .....................................


la soco qeybta labaad ee maxbuuskaan
#Xigashi Khalid Moalim
thumbnail Title: SHEEKO CAJIIB AH AQRI OO DHUUX maxbuus la soo daayey oo shir jaraaid qabtay:
Posted by:galmada Net
Published :2017-08-01T00:50:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
SHEEKO CAJIIB AH AQRI OO DHUUX maxbuus la soo daayey oo shir jaraaid qabtay:



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at August 01, 2017 and have 0 comments