Toilet – Ek Prem Katha Oo Gudiga Filimada Faaf Reebaan Shahaadada La Siiyay Iyo Muuqaal Hadii Laga Jaray

Toilet – Ek Prem Katha Oo Gudiga Filimada Faaf Reebaan Shahaadada La Siiyay Iyo Muuqaal Hadii Laga Jaray

Super Star Akshay Kumar filimkiisa Toilet – Ek Prem Katha waxaa si rasmi ah loo hor geeyay gudiga filimada faaf reebaan oo filimkaan fariintiisa si wacan usoo dhaweeyeen.

Kooxda filimka Toilet – Ek Prem Katha waxaa lagu amray 8-hadal oo filimkaan ku jiraan inay ka jaraan kuwaas oo xoogaa loo arkay inag gaf yihiin ama xasarad kicin karaan.

Toilet – Ek Prem Katha waxaa la siiyay shahaadada loo yaqaan UA certificate oo ah shahaado dadka waa weyn daawan karaan sidoo kalena caruurta da’dooda ka hooseyso 12-sano marka ay tiyaatarka soo aadayaan oo ay filimkaan daawanayaan waa inuu la socdaa waalid ama qof masuul ka ah.



Toilet – Ek Prem Katha maalinta berito ah ayaa tiyaatarada la saari doonaa waana filim weyn oo hadal heyntiisa aad u sareyso kalsooni weyna lagu qabo inuu Boxoffice-ka wacdaro ka dhigi karo kana saari karo Bollywood-ka abaarta ku habsatay.
thumbnail Title: Toilet – Ek Prem Katha Oo Gudiga Filimada Faaf Reebaan Shahaadada La Siiyay Iyo Muuqaal Hadii Laga Jaray
Posted by:galmada Net
Published :2017-08-13T06:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Toilet – Ek Prem Katha Oo Gudiga Filimada Faaf Reebaan Shahaadada La Siiyay Iyo Muuqaal Hadii Laga Jaray



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at August 13, 2017 and have 0 comments