Waa Kuma Atirishada Lagu Soo Daray Filimka Weyn Yamla Pagla Deewana 3

Waa Kuma Atirishada Lagu Soo Daray Filimka Weyn Yamla Pagla Deewana 3

Filimka weyn Yamla Pagma Deewana 3 oo ay hogaamiyaal ka yihiin reer Deol Dharmendra, Sunny Deol iyo Bobby Deol duubistiisa waxay si wacan kaga socotaa magaalada Hyderabad ee Koonfurta Hindiya.

Haatana waxaa shaaca laga qaaday atirishada Kriti Kharbanda in filimkaan lagu soo daray sidoo kalena door muhiim ah ku yeelan doonto.

Kriti Kharbanda filimkeeda ugu horeeyay ee Hindi ah wuxuu aha Raaz Reboot oo ay sanadkii hore Emraan Hashmi la sameesay haatana mashruuca Yamla Pagla Deewana 3 ayay saxiixatay.

Director Navaniat Singh ayaa la dhacay tijaabada laga qaaday Kriti Kharbanda wuxuuna ka saxiixay xidigtaan inay Dharam, Sunny iyo Bobby la sameyso Yamla Pagla Deewana Phir Se.

Kriti Kharbanda  duubista filimkaan todobaadka dambe ayay kusoo biiri doontaa ayadoo hees jaceyl ah iyo hees shidan wax ka duubi doonto.


F.G: Hada ka hor waxaan idinla wadaagnay in Kajal Aggarwal filimkaan wax ka jileyso welina lama xaqiijinin YPD3 inay qayb ka tahay ama mashruucan isaga baxday.

thumbnail Title: Waa Kuma Atirishada Lagu Soo Daray Filimka Weyn Yamla Pagla Deewana 3
Posted by:galmada Net
Published :2017-08-19T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Waa Kuma Atirishada Lagu Soo Daray Filimka Weyn Yamla Pagla Deewana 3



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at August 19, 2017 and have 0 comments