WAR CUSUB: Sh. Mukhtaar Roobow Oo Isu Dhiibay Dowladda Soona Gaaray Xudur

WAR CUSUB: Sh. Mukhtaar Roobow Oo Isu Dhiibay Dowladda Soona Gaaray Xudur

Sheikh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” ayaa lagu soo waramayaa inuu isu dhiibay dowladda federaalka Somalia iyo maamulka Koonfur Galbeed, kadib wada hadalo u socday maalmihii lasoo dhaafay.

Warkaani ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka madaxtooyada Koofur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar oo sheegay in Abuu Mansuur uu aqbalay inuu isku dhiibo dowladda, isla markaana soo gaaray degmada Xudur.

Wararka laga helaayo degmada Xudur ayaa sheegaya in Abuu Mansuur oo aysan wehlin ciidamadiisa soo galbiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed, halkaasina uu kuan kula leeyahay wasiirka gaashaandhiga Somalia C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlaaya sidii laga yeeli lahaa go’aanka uu isu soo dhiibay Abuu Mansuur iyo halka la geyn lahaa.


Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xaasan ayaa la filayaa in uu gaaro degmada Xudur halkaasi oo uu kula kulni doono Abuu Mansuur.

Abuu Mansuur ayaa ka mid ahaa kuxigeenadii Al-Shabaab kahor inta uusan ka bixin ururkaasi sanadkii 2013-kii oo uu baxsad ka ahaa kooxda Al-Shabaab, waana mas’uulkii ugu cuslaa ee kasoo goosta Al-Shabaab.

thumbnail Title: WAR CUSUB: Sh. Mukhtaar Roobow Oo Isu Dhiibay Dowladda Soona Gaaray Xudur
Posted by:galmada Net
Published :2017-08-14T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
WAR CUSUB: Sh. Mukhtaar Roobow Oo Isu Dhiibay Dowladda Soona Gaaray Xudur



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at August 14, 2017 and have 0 comments