wiil cadaan jaceyl daran u qaaday fanaanad soomaaliyeed

wiil cadaan jaceyl daran u qaaday fanaanad soomaaliyeed

 Bakar Cawadullah oo u dhashay dalka Sudan kana soo jeeda Gobolka ”Sinaar” ayaa sheegay inuu Jaceyl u qaaday Fanaanada Caanka ah Nimco Yaasiin Caraale, kadib markii uu sheegay in Mobil-kiisa ka dhageysto Heesaheeda oo uu ka shubtay Wiil Soomaali ah.

Bakar Cawadullah waa Wiil da’diisu tahay 24-Jir ayaa lagu soo waramaaya inuu Jeclaaday Muuqaalka Fanaanada isaga oona isku dayay inuu xiriir la sameeyo Hayeeshe waxa uu sheegay inay la soo daristay Cabsi dhanka Luqada ah.

fanaaniinta

Bakar Cawadullah oo iminka Jaamacad ka dhigta Magaaladda Khartoum ayaa Tilmaamay in Hablaha Soomaalida ay yihiin kuwa Dhiig furan islamarkaana soo jiidanaaya Ragga Suudanta ah, waxa uuna sidoo kale sheegay in uu Xiriir la sameyn doono Nimco Yaasin Haddii ay u suura gali weyso uu Mustaqbalka Rajeynaayo inuu Guursado Dumar ka ag-dhaw Reerka Nimco Yaasiin.

Bakar Cawadullah ayaa amaan gaar ah usoo jeediyay Fanaanada Caanka ah ee Nimca Yaasin walow uu sheegay inusan weli arkin markii laga reebo Daawashada Video, Filim ah haddana waxa uu xusay in Qurux iyo Qiima gaar ah u leedahay Nimco Yaasin.

Mahan markii ugu Horeysay oo Nin u dhashay Dalkaasi Sudan Jeclaado Fanaanad Soomaali ah, waxaana horay u jiray Fanaanad Soomaali ah oo uu Jeclaaday Fanaan u dhashay dalkaasi Sudan.

hada kahor fanaanada weyn xaliimo khaliif ayaa waxaa ayadana jeclaaday nin sudanese ah codkeeda ayuuu la dhacay ninkaas oo asna ahaa fanaan kale


thumbnail Title: wiil cadaan jaceyl daran u qaaday fanaanad soomaaliyeed
Posted by:galmada Net
Published :2017-08-03T04:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
wiil cadaan jaceyl daran u qaaday fanaanad soomaaliyeed



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at August 03, 2017 and have 0 comments