Erayada jaceylka oo qofta jilciya soo jiidashadana leh

Erayada jaceylka oo qofta jilciya soo jiidashadana leh

 Waan Kaa Fikirayay : isku day in aad hesho waqti gaar ah maalintii oo aad og tahay in xaaskaada ay mashquul ku tahay shaqada guriga , soo wac una sheeg in aad ka fikireyso , Shabakadu waxa ay ku leedahay arintaan waxa ay ka qaadeysaa tamar (awood) dheeraad ah oo ay ku sii wadato shaqadeeda , haddii ay mashquulsan tahay ee aysan awoodin in ay telka qabato u reeb fariin , dhab ahaan waa ay farxeysaa marka ay dhageysto .

2- Catarkaada Waan Ka Helay : il gaar ah u yeelo marka lamaantaada catar cusub ay marsato , hoosta ka gili hadal qurxoon oo ah ” catarkaada aad ayuu u wacanyahay” tani farxad ayay ka qaadeysaa waliba wax ay dareemeysaa in aad ka heshay .

3- Waxaad Tahay Hooyo Fiican: waxa ay tani dareensiineysaa in aad u hayso tix gilin ku aadan howsha ay u hayso caruurtaada , waxa ayna ka qaadeysaa awood dheeraad ah

4- Waan Ku Faraxsanahay In Aad Tahay Xaaskeyga: tani wax ay ka mid tahay erayada ugu jilicsan ee lagu xot-xoto haweeneyda waxa ayna ka qaadeysaa farxad middii ugu sareysay .

5- Qaali Aniga Ayaa Hadda Hagaajinaya ” waa ay ku faraxdaa haweeneyda marka ay maqasho in ninkeeda uu si deg deg ah ugu dhag nuglaanayo dalabyadeeda tusaale haddii ay guriga wax ka halaabaan

6- Ha Iloobin in aad amaanto muuqaalkeeda , kuna cel celi kullamaa waqtiga ku saamaxo .

7- Hadiyad Ayaan Kuu Keenay : haweeneyda aad ayay u jeceshahay hadiyadda ee ninyahoow midba midda ay ka fiican tahay u keen

8- Ina Keen Aynu Wada Baxnee : haweeneyda waa ay ka heshaa marka ninkeeda ugu yeero casumaad banaanka ah , u dooro boos iyo maqaayad tan ugu fiican una diyaari nooca ay cunada ka hesho




9- Waan Ku Jeclahay : xittaa haddii aad tiraahdo haka caajisin in aad ku cel celiso , waayo dhagaheeda kama daalaan , eeg indhaheeda u sheeg in aad jeceshahay .

thumbnail Title: Erayada jaceylka oo qofta jilciya soo jiidashadana leh
Posted by:galmada Net
Published :2017-09-14T01:47:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Erayada jaceylka oo qofta jilciya soo jiidashadana leh



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at September 14, 2017 and have 0 comments