FIGRADAHA AKHRISTAYAASHA

FIGRADAHA AKHRISTAYAASHA

Muhimadda ay luqadda Af Soomaaligu u leedahay Carruurta Qurabaha W/Q: CUSMAAN FAARAX CALI(DAYAX), DENMARK
Salaan qiimi badan kadib waxaan aqristay wareysiga SAMATAR ee ku saabsan caruurta qurbaha iyo af-soomaaliga waxaan warka ku darsan lahaa dhowr arimood oo ay ka mid tahay
1)-luqadda soomaaliga waa inay ka horreysaa waxwalba oo carruurta la baraa intaysan gaarin waqtiga iskuulka iyadoo waalidku xoogga saarayo inuu ilmahiisa dhug (FEEJIGNAA)u yeesho waxa uu ku hadlayo kadibna uusan fududeysan erayada ilmuhu ku hadlayo oo uu u soxo uusan marnaba u dhaafin inuu eray qaldan u ogolaanin,tusaale ahaan inmuhu markay yaryihiin erayada aysan karin markey ku hadlaan waa in waalidku kasaxaa sida markuu ilmuhu yiraahdo IISOO CAAD isagoo ula jeeda IISOO QAAD waa in waalidku uusan ilamaha u deyn waa inuu ku yiraahdaa dheh IISOO QAAD (II KEEN).

2)-ilmuhu sida ay sheegaan dadka ku taqasusay caruurta waxay baran karaan ugu yaraan laba luqadood oo kala duwan halmar,oo kala ah luqad guriga looga hadlo iyo mid guriga banaankiisa looga hadlo marka waalidka soomaaliyeed waa inay ogaadaan arintaan oo aysan sameyn inay ilmaha kula hadlaan luqadii guriga banaankiisa looga hadlayay ayagoo ku andacoonaya ma fahmayaan iyo wax la mid ah.


3)- tan ugu dambeysa sooma koobi karo inta arrin aan layaabay runtiina aan aad uga xumaaday caruur soomaaliyeed oo dibadaha ku koray oon af-soomaaliga waxba ka aqoon waxaan idiin sheegayaa hal arrin oo iigu darneyd waxay ahayd ,waxaan daganahay anigu DENMARK maalin ayaan waxaan BAS isugu soo galnay wiil aan soomaali u maleeyay waxyar markaan is ag fadhinnay ayuu igu yiri hadal aanan markii xasuusan waxaan ku iri soomaali miyaad tahay markaas ayuu madaxa lulay isagoo haa ula jeeda markaas ayaan istaagay oo ag fariistay wuxuu ii sheegay inuu iga arkay TV lokal ah oo aan maalin kahor kasii daayay barnaamij ku saabsanaa maalintii xoriyadda soomaaliya 1960kii,wuxuu ku hadlayaa af-soomaali aanay ku hadlin ilmaha sanad jirka ah oo soomaaliga ah markaan damcay inaan si fiican ula sheekeysto waa ii suuroobi wayday waayo wuxuu ku hadlayaa af ingriis aniga waxaan ka aqaan inta uu asagu af-soomaaliga qa yaqaan oo aan waxba la isku fahamsiin karin kadib waxaa dhacday inaan BASkii iskala dagnay waxaan damcay inaan waaniyo ,wuxuu ii sheegay inuu reerkoodu CANADA geeyay isagoo todobo jir ah marka aan is arkeynana waa 22jir wuxuu yiri aabahay waa dhintay laakiin markii uu noolaa waa inoo diidi jiray inaan afsoomaali ku hadalno ama aan tagno masaajidada iyo meelaha soomaalidu isgu tagto ,wuxuu yiri waxaannahay 3caruur ah hooyadeenna aad iskuma fahanno waayo ingiriiska ma taqaan,waxaa iigu darnayd markaan waani damcay oo aan waxbadan fahamsiin waayay,waxaan usheegi kari waayay weesada iyo salaadda oo uusan waxba ka aqoon waxaan geeyay masaajid magaalada ku yaal oo soomaalidu u badan tahay waxaan baray soomaalidii masaajidka joogtay waxaan ku iri waa kan dadkaagiiye bal lasheekayso waxay dadkii diruutu ku kaliftay in intii ingiriiska taqaan la sheekaysato iyadoo luqaddas loo aqoon siduu u yaqaan,waxba warka yaanan idinku daaline sheyga aan wali maskaxdeyda kadhammaan waxaa weeye wiilkaasi siduu u ahaa wiil niyad wanaagsan jecel diinta islaamka in looga sheekeeyo iyo soomaalinimada iyo sidaan isku fahmi waynay,haduu luqada dheenishka igula hadlilahaa waxaan rabo waan fahamsiin lahaa nasiib darro ma dhicin. XUSUUSIN:-waxaan waalidiinta soomaa?iyeed ee caruurta ku haysta qurbaha kula talin laha iyo kuwa masuul ka ah caruur ay keeneen qurbaha inay ku dadaalaan wax walbana ka hormariyaan barridda luqadda soomaaliga waayo barrito ilaah hortii waa lagu su,aali caruurtaada mana ogid waqti aad dhimaneyso,hana ku fakarin inaad mar soomaaliya geyn doonti waayo ma ogid si ay usuurto galeyso,waxaa suurta gal ah hadaad dhimatid iyo hadaad noolaatid waxaa laga yaabaa in barrito uu kuu waaniyo ilmahaaga soomaali kale oo wanaagiisa jecel laakiin aan luqad kale aqoon sida anigaba igu dhacday.

Dadka Lala talinayo Ilaahay ha la xusuusiyo
By/ Nasriin
WALAAL MARKA HORE SALAAN IGA GUDOOMA SALAAN KADIB AAD AYAAN KUGA HELAY MAGAZIINKIIN WAXAANA IDIN KULA TALIN LAHAA IN AAD SII WADAAN WAANA KA HELAY PARNAAMIJYADIINA WAXAANA IDIIN ORAN LAHAA IN AAD KU SOO DARTAAN FIQI CAMAL MARKAAD QOF LA TALINAYSAAN IN AAD U SOO DALIILATAAN DIINTA IYO DAWADA UU QOFKU KA HELI KARO DIINTA. F.EKS GABADHII TIRI WIIL BAAN JECLAHAY WUUNA IDIIDAY WAXAAN ORAN LAHAA HADAAD RABTO IN AAD KA SAARTO MASKAXDAADA TUKO SALAADUL ISTAQAARO OO LABO RAKCADOOD AH KADINA ILAHAAY WEYDIISO WIXII KHEYR KUU AH WALAAL WAAD MAHASANTIHIIN HADAAN IDINKU IRI WAX AAD KA XUMAATEENA IGA RAALI AHAADA KHEYR ILAAHAY HA IDIN SIIYO

Cayilka iyo Dumarka Soomaalida
By/ Majiid
waxaan marka hore u mahad celinayaa dhamaan isku daba ridayasha janalkan aan aadka uugu bogay runtiina anigu waxaan ahay shaqsi ma aan xisaab sani somali oo dhan waxay qabaan ama fig radahooda balse markii aan teyda kahadlo waxaan aad uugu bogay waxaa uur keyga ama caloosheyda kujira aad idina afkiina kasheegtaan macnaha waxaa jira wax aan jeclaan lahaa inaad kusopo qortaan jaraa idka oo aniga ii qarsoonaa taasna waxaa keentay runtii waxaan ahaan jirey nin busy ah oo oo waxaan waqti uwaayeey inaan fig radeeda kadhiibto goobtan waxa laga qabona layga soo war celiyo hada iyo alxaasil madoonayaao inaan ini kusii dheereeyo hadalka balse waxaan rabaa inaan soo gaab gaabsado markaan kagudbo oo aan u gudbo fig radaan kaqabo dumarka somaliyeed in ay iscaateeyaan runtii san horey idiin kusheegay waxaan ka ahay dadkoo dhan shaqsi codkaygana kadhiban balse mararka qaarkood waxaad u malaysaa inaan nasiib fiic nahay oo waxan dareen sanahay ama caloosheyda kujira in dadka badankiis aanu isku wada maskax nahay taas oo keentey figrada ha badan oo aan ka aqristo halkan iyo jawaabahooda alxaasil dumarka somaliyeed mahan in lagu qasbo inay iscaateyaan kaliya gabdhii doonaysa in ay iscaateyso ayaa loosheegayaa waxaana aad uugu hanweynahay inay gabdhaha qaladka u fahamay caateynta aan ka jaahil bixino aanuna isku fig rad noqono balse yaanan hadalka ini ku dheereyne waxaa aad muhiim u ah oo ama lagama maar maan ah inay gabdhaheenu ay caato yihiin taas oo sababtey wax yaabo badan awogeed tanhore waxaa jira wax yaabo lama filaan ah oo kadis ku iman kara waxyaaba haas oo noqonkara wax walba oo jira for exampla hada sidoo maalin ayaa waxaa iskaga kaa iman kara wax naftaada qatar u keenikara taasina gabdha buran ama gabadha u dhalatey cayilka waxay kala kul maysaa dhibaato dhabaatadaas oo dhaawacaysa wad naheeda ama xidido isdhaafa waxaadna runtii uugu malaysaa markii xag caafimaad loo eego buurnidu inay sababto waxyaabo badan oo laxiriira cafimadka tan labaad qofka dumarka ah markii ay tahay qof buuran oo misna ay kudarsato reer ama guri macnaha ama ay xas noqoto waxaa ay aad u dareemaysaa culays iyo isfiilito badan ama qaylo badan mar walbana mahan qof dagan waa qof neerfis ah taasna waxaa keenaysa burnida tan sadexaad waxaa weeye qofku markuu buran yahay waliba dee qof dhadiga yahay waa uu cimri deg degayaa calashaan macnaha waa uu sirqoobayaa marka halkaa waxaad kadareemaysaa buurnidu inaysan caaqibo ama faa ido laheen waxaana gabdhaha somaliyeed u sheegayaa in caateyntu ay dani uugu jirto oo ay wax walbana kula qaybsan karaa dadkaas rabi abuuray wadan walbaba halahadeene alxaasil waa taas fig radaan kaqabo walaal hadaladiinii waxaana aad mar labaad inii ku mahad celinayaa qaabkan qur xan aad usoo bandhigteen waxyaabaha lama huraanka ah waxaana idiinka tagayaa sidaas iyo wada shaqen wacan bye
thumbnail Title: FIGRADAHA AKHRISTAYAASHA
Posted by:galmada Net
Published :2017-09-05T02:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
FIGRADAHA AKHRISTAYAASHA



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at September 05, 2017 and have 0 comments