Daawo Sawirro & Video: Madaxda sare ee Somalia oo khudbado Khiiro leh ka jeediyey banaanbixii galabta

Daawo Sawirro & Video: Madaxda sare ee Somalia oo khudbado Khiiro leh ka jeediyey banaanbixii galabta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo,Guddoomiyaha Aqalka sare  Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Raisul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalay bannaan bax ballaaran oo looga soo horjeeday dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan kooxda Al-Shabaab iyo qarixii Soobe, kaasoo ka dhacay Garoonka kubadda Cagta ee Koonis ee magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiintan ayaa khudbad u jeediyay shacabkii ka qeybgalay dibad baxaasi, iyagoo ku booriyay inay muujiyaan isku duubni si loo wajaho ka hortaga khataraha uu cadowgu u soo maleego umadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in lagu soo duuley jiritaanka umadda Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday shacabka in wax kasta meel la iska dhigo loona soo jeesto xoreynta dalka.
Waxaa sidoo kale banaanbaxan khudbad dheer oo khiiro gelisay shacabka ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxmed C/llaahi Farmaajo,oo si weyn uga hadlay weerarada lagu hayo shacabka iyo sidii looga hortegi lahaa.
Farmaajo ayaa ku dheeraaday ka hadalka ahmiyadda ay leedahay in cadowga laga difaaco dalka iyo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in la sameynayo ciidamo loogu magac daray ciidamada difaaca Shacabka.
“Waxaan leeyahay caruurtii, Aabayaashii iyo hooyooyinkii ku dhintay qarixii 14kii bishan dhacay ILLAAHAY ha u naxriisto,gacan ka xaqdaran ayaa dishey,aan u duceyno intii dhaawacantayna ALLE ha bogsiiyo, dadkaasi waxay ahaayeen mujaahidiin, way shahiideen, dalka dhibaatada in muddo ah ka jirta waxaa sabab u ah inaga oo caasinay ILLAAHAY aan u towbad keeno oo aan cafis weydiisano inagana aan iscafino si aan u helno naxariista alle”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Waxaa u mahad celiyay dowladihii ka qeyb qaatay u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu gaartay,wuxuuna xusay in mar un loo abaal gudi doono,wuxuu sidoo kale ku ammaanay ciidamada Qaranka sida ay ugu istaageen howlaha gurmadka ah tan iyo maalintii qaraxa uu dhacay,wuxuuna ku tilmaamay geesiyaal adag.
“Shacdadan waxay noqonaysa Taariikh madow oo Soomaaliya ay xusuusan doonto 100 sano ee soo socota, waxaa la sameynayaa ciidamada difaaca shacabka waxaa lagu bilaabayaa 14 milyen oo dowladdu bixinayso, waxaana kow ka ah shaqaalaha Dowladda, ha la is qoro dalka hala difaaco”,ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.


Farmaajo ayaa uga mahad celiyay ciidamada AMISOM doorka ay ka qaadanayaan difaaca dalka, balse wuxuu xusay in looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed in iyaga ay is difaacaan hubkuna ay qaataan si ay uga hortagaan dhagaraha cadowga.

Waxaa sidoo kale hadlay banaannaxan masuuliyiin uu ka mid ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir oo shacabka Muqdisho ugu baaqay ineysan aqbalin musiibo la mid ah tii ka dhacday Zoope, ayna ciidamada amaanka gacan ku siiyaan qabashada kooxo uu ugu yeeray nabadiidka xasuuqa geysanaya.
thumbnail Title: Daawo Sawirro & Video: Madaxda sare ee Somalia oo khudbado Khiiro leh ka jeediyey banaanbixii galabta
Posted by:galmada Net
Published :2017-10-19T02:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Daawo Sawirro & Video: Madaxda sare ee Somalia oo khudbado Khiiro leh ka jeediyey banaanbixii galabta



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at October 19, 2017 and have 0 comments