Tabintii Warbaahinta dalka Musiibadii ka dhacday magaalada Muqdisho !!

Tabintii Warbaahinta dalka Musiibadii ka dhacday magaalada Muqdisho !!

Warbaahinta oo Qarniyadii 19aad iyo 20aad markii awooddeeda laga yaabay la yiri waa awoodda 4aad  ayaa maanta oo aynu ku jirno qarniga 21aad waxaa loo arkay in ay tahay Awoodda Koowaad ee sinnaba aaan looga  maarmi Karin.

Sidaasi daraadeed ayaan nuqulkaan Kooban uga hadlayaa Qiimeeynteeydii sida warbaahinta Dalka ay u tabisay Musiibadii 14-October ka dhacday Muqdisho oo aan waliba ka eegayaa Muxuu wariyaha innooga soo waramayay halka ay wax ka jiraan ku ammaannaa oo ay tahay in looga mahad celiyo musuuse ku gafay oo ay tahay in cashar laga barto ?

Warbaahinta Dalka waxa ay ku guuleeysatay :

in si deg deg ah bulshada ugu soo waranto xilli ay xog u baahnaayeen
in  dhacdada hadba halka ay mareeyso bulshada u soo gudbiso oo aysan ka harin
in ay isku Xirtay madaxda iyo shacabka iyada oo la isticmaalayo xogaha war baahinta
in gurmadka daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa uu sii kordhayay iyada oo warbaahinta la’isticmaalayo
in madaxda iyo shacabka eheladooda dhibka soo gaaray wada hadlaan
in warbaahinta goobwalba iyo goor walba bulshada la soo hadasho
in saraakiisha caafimaadka ay ka keento tiro koobyo sax ah
in xaddiga Mashaqadii dhacday Dunida ay warbaahinta gaarsiisay ,Gurmadna lagu helay
in la helo Gurmad Qaran oo aan loo kala harin war baahinta la’aan teedna suura gal noqoteen
in Ciidan iyo shacabba mid la’ahaa oo la’wada gurmanayay taas oo aan hore u jirin
Dhanka kale Qaab tabinta warbaahinta waxa iiga muuqanayay Dul duleelo  malaha cida cilmigeeda leh  ama khibrad u leh kaliya fahmi karto

Anigu Waxaa ii muuqanayay :

in Tabinta wararka deg degga ah oo ka duwan sheekooyinka kale aan wax badan Warbaahinta Dalka aysan daraaseeyn
in wariyaha iyo Camera Men -ka Qorsho la’aan ay yimaadeen Halka dhacdadu taalay oo aysan jirin Team Editorial si deg deg ah uga shiray inta xaruunta la joogay
in aysan jirin wax Note ah uu ka sii fikiray wariyaha ka soo muuqday Camera-da
in Wariyuhu Wax Astaan ah uusan lahayn oo looga garto dadka kale (Jaakad iyo Koofi )
in Wariyaashu ku milmeen Kooxihii Gurmadka Sameynayay oo dhexda ay uga jreen mararka qaarna shaqadoodii lala qabanayay taasi oo wariyaha iyo qofka u soo la bistay gurmadka labaduba caqabad ku ahayd shaqooyinkoodii kala duwanaa
in Vedio Clips-ka  la qaadanayay aan juhdi badan la galin kala xulashadooda  ,Example: Hooyadu inta ku jirta Saladda Qudaarta suuqa ay kaga keentay Mar qura Digsiga Kuma wada shubto ee  waa ay  kala Xulataa
in mala awaal badan oo sabab u ahayd xog yari ay jirtay
in wariyuhu isticmaalo ereyo malahayga looga wanaagsanaa in dhacdo nuucaas ah loo adeegsado
in wariyuhu dareenka wajigiisa iyo Ereyada afkiisa ka baxaya aysan isla socon ama is ogeeyn
waxaa ii muuqanayay Taxadar la’aan oo wax yaabahaasi oo dhan ka sii wada Muhiim saneeyd.



FG:Waa jiraan Wariyaal Si xirfadeeysan u soo tabiyay Dhacdada mana in kirayo ,Hayeeshee ujeeddadeyda ayaa ah in aan kala faa’iideeysano
thumbnail Title: Tabintii Warbaahinta dalka Musiibadii ka dhacday magaalada Muqdisho !!
Posted by:galmada Net
Published :2017-10-19T01:45:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Tabintii Warbaahinta dalka Musiibadii ka dhacday magaalada Muqdisho !!



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at October 19, 2017 and have 0 comments